Shirka Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo ka Furmaya Koonfur Afrika

Johannesburg(SLpost)-Shir ballaadhan oo ku saabsan iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ayaa ka furmaya magaalada Johannesburg ee South Africa. Waxaana la filayaa in dalka labaad ee ugu dhaqaalaha badan caalamka inuu shaaca ka qaado balaayiin dollar oo taageero dheeraad ah. Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa shirkaasi ay si wada jir ah waxay isula hogaamindoonaan madaxweynaha Koofur Afrika, Jacob Zuma oo shirkaasi marti gelinaaya.

 

Shiinuhu waa dalka ugu ballaadhan ee xidhiidh ganacsi la leh qaaradda Afrika, laakiin hogaamiyayaasha Afrika waxa ay rajeynaayaa in dalka Shiinaha uu xoogga saaro xoojinta dhaqaalaha iyadoo loo marayo mashaariicda dib u dhiska iyo deyn aad u badan.

 

Tobannaan kamid ah madaxda dalalka Afrika ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan shirka xidhiidhka Afrika iyo Shiinaha kaas oo u jeedada laga leeyahay ay tahay in lagu sii ballaadhiyo xidhiidhka u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika.

 

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping Afrika waxa uu ku sugan yahay dhowr maalin, wuxuuna shaaciyay balaayiin dollar oo taageero ah oo ay ka mid tahay deyn inteeda badan lagu bixinaayo mashaariicda hurmarinta dhismaha jidadka.

 

Madaxda dalalka Afrika waxa ay rajeynaayaa in dib u dhiska jidadka iyo khadadka tareenada inay bilow u noqoneyso hormarka iyo baabi’inta faqriga.

 

Farriintan ugu weyn ee Shiinaha waxa ay tahay in diiradda la saarayo warshadeynta, casriyeynta beerashada, iyo amniga.

 

Inkastoo arrinta ugu weyn ay tahay waxa gudaha Afrika laga soo saaro ee la dhoofiyo oo aad u yar, hadana Shiinaha weli waxa uu rajeynaayaa inuu xilli dheer halkan maalgashi ku sameynto.

 

Si wada jir ahna, tirada dadka Shiinaha iyo Afrika waa 2.3 bilyan oo qof. Taasina waxa ay tusineysaa inay jiraan fursado iyo caqabado aad u waaweyn.