Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland oo lagu go’aamiyey qodobbo khuseeya Doorashooyinka iyo Xannuunka Covid-19

 

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa fadhigooda toddobaadlaha ah kaga dooday diyaar-garowga Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakilllada iyo xaaladaha isa soo taraya ee kiisas Xannuunka Covid-19 oo dalka ku soo badanaya.

Kal-fadhiga 71aad ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi oo maanta oo Khamiis ah ku qabsoomay qasriga madaxtooyada, waxa lagu go’aamiyey qodobbo ku saabsan Doorashooyinka, Abaaraha iyo saamaynta Caabuqa Coronavirus, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada.

War-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada, ayaa u dhignaa sidan:- “Fadhigii 71aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta qabsoomay, ayaa lagaga dooday qodobbo muhiima ah oo ay ka mid ahaayeen, arrimaha doorashooyinka, abaaraha soo foodsaaray meelo dalka ka mid ah iyo arrimo kale.

Ugu horrayn golaha wasiirradu waxay fadhigii maanta ku lafo-gureen in la xoojiyo amniga waqtiga doorashada is-barkan ee wakiillada iyo deegaanka ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qorshaysan 31-05-2021-ka.

Waxa kale oo goluhu isla qaatay sida inshuruucda doorashooyinku dhigayo warbaahinta dawladda oo ah hanti qaran, ay dhex u noqoto xisbiyada qaranka, lana sii dardargeliyo wada-shaqayntii hore uga dhaxaysay xisbiyada qaranka iyo warbaahinta dawladdu maamusho.

Waxa kale oo uugoluhu go’aamiyey in guddidii abaaruhu dib u hawl-gasho, xubno xaqiiqo raadin ahna u dirto goobaha abaaruhu ka jiraan ee u baahan biyo dhaamis iyo raashin qaybin, isla markaana soo saarto baaq qaylo-dhaan ah, si loo bilaabo u gurmadka muwaaddiniinta tabaalaysan ee abaaruhu sameeyeen.

Goluhu isaga oo ka duulaya baahiyaha soo noq-noqday ee la xidhiidha biyo yaraanta waqtiyada qaar waxay isla meel dhigeen in xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland sannadaha soo socda xoogga saarto qodista biyo xidheenno waaweyn, si looga faa’iidaysto waqtiyada abaaraha iyo biyo yaraanta.

Ugu danbayntiina waxa uu goluhu isku raacay in si buuxda la soo celiyo wacyigelintii ka hortagga xanuunka Covid 19 oo wakhtigan dunida ku soo laba kacleeyey, lagama maarmaanna ay tahay in bulshada lagu barbaarujiyo khatarta uu leeyahay xanuunkaasi si loogu diyaar garoobo.” Sidaas ayaa lagu sheega warka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net