SHIRKA DOODDA QARAN: Waa la shirayaa, sharaf mooyiye, sharba kuu ma leh – Qalinkii Boobe Yuusuf Ducaale

Qormadii: 5aad

Kol haddii uu shirku DOOD QARAN yahay maxaa ka soo bixi kara?

1. Waxa ka soo bixi kara marka ugu horreysa waa in warbixino cilmiyeysan oo lafo-guran oo qoraal ah la isu akhriyaa oo la dhegaystaa oo xaaladda taagan dhinac kasta laga warramaa ama inta mudnaanta leh la soo horreysiiyaa,

2. Intaa ka dib waa in qiimayn lagu sameeyaa warbixinahaas oo la faalnqeeyaa si loo suntado halka la joogo iyo halka geeddiga loo yahay,

3. Mar saddexaad wixii ka soo baxaaba waa laba: Go’aammo mudan in la fuliyo iyo talo-bixin ku wajahan ummadda iyo hay’adaha Qarankaba.

Maxaa xumaan ah ee ku jira? Ee aan ku jirin Maratoonkii dheeraa ee aynu soo orodnay ee aynu maal iyo milgaba ku burburnay: Gar-adag ilaa Gar-jilic iyo inta magac aan la mahadin u dhexeysay. Xukuumaddeennu shirarka noocas ah ayay ka heshaa, maal u hurtaa oo ay isku mashquulisaa, war-baahinteeduna ka dhammaan weydaa. Hawlaha caynkaas ah xukuumaddeennu dadka wada feylal kama hayso. Wasaaradda Arrimaha Guduhu feylashaa ma hayso, kuwan kale sida ay ku heshay mooyi. Miyaanay ka war-qabin in iyada ay feylasheedii buuxsameen oo ay meel walba daadsan yihiin? Ma kuwii maanta feylal sheegi lahaa baa?

boobe_new

Dal iyo dad dimuqraadiya ayaynu nahay. Iskama aynu noqon ee dan ayaynu moodnay. Weynu ku dab iyo reerba keennay. Waa aynu ku soo caano-maallay. Intaas oo doorasho ayaynu ku gallay. Wax inoogu kordha mooyaan e’, waxba inagagama dhicin. Bal tii ugu dambeysay doorashooyinkii Madaxtooyada eega. Deero deero ma hirdiyin. Wax Ilaahay lagu mahadiyo miyaanay ahayn!

Tiirarka dimuqraaddiyadda noocaas ah waxa ugu mudan ixtiraamka ra’yiga kale. Isku wada ra’yi iyo fikrad ma wada noqon karno, xataa iyada oo laga yaabo in aynu meel u wada soconno. Horumarka iyo badhaadhuhuba waxay ku jiraan kala-duwanaanshaha lagu wada deggan yahay. Car juuq dheh…..car shira…….Car isu taga…..Car waxaan samaynayo arag…..waxba kuma hagagaan ee wax ayaa inagaga xumaanaya.

Xisbiyadu waa xisbiyo qaran: muxaafid iyo mucaarid kii ay yihiinba. Waa jilayaal qaran, waxaanay ka mid yihiin kuwa ugu sarreeya jilayaasha. Xukuumaddu waa jile kale. Waxay ka mid tahay kuwa ugu sarreeya. Xukuumaddu waxay macno ku leedahay jiritaanka xisbiyo mucaarid ah. Xukuumaddan iyo hoggaankeeduba mucaarid waa ay ahaan jireen oo loo sheegi maayo. Dhibaatadu waxay imanaysaa markii ay doorashadii Madaxtooyada ku guulaysteen ee ay Wadaad iyo Waranle u kala baxday. Sida ay u muuqato Wadaaddadii waxay u hadheen xukuumaddii, Waranlihiina waa la caammeeyay oo xisbigii ayaa looga tegay. Wadaaddadu, waxay u muuqdaan, kuwa

nooca cusub ee Gaarriye odhan jiray, Ilaahay ha u naxariisto e’: Waa wardi xeeli daba taal.

Nimankii Waranlaha la odhan jiray sidaa lagagama hadhin e’, xisbigiina hadda ayaa la rabaa indhahooda oo shan ah in laga faro-maroojiyo. Sidaas ayuu ku fasakhmayaa Kulmiyihii aynu naqaannay ee aynu codka siinnay, waxna ka sugaynay. Belo ku degtay.

Aniga oo jecel in aynu Qormooyin dambe ku lafo-gurno bal ka warrama qoladan Kulmiye isku sheegaysa eel eh Shirweyne Xisbi ayaanu qabanaynaa, haddana Ajendayaashii ay la shir-tegi lahaayeen hadba guri isku oodanaya ee hadba mid gafuurka taagayo. Miyaanay xarun Xisbi lahayn? Miyaanay hay’ado Xisbi oo go’aan qaata lahayn? Ma nin walba u jabaa? Ma Xisbibaa? Ma reer baa? Ma koox baa? Ma Waranlaa? Ma Wadaad baa? Waxani wax soconaya oo ummad lagu maamuli karo ama danaheedaba lagu hanan karo ma aha e’ wax intaa ka door roon oo la dugsado ma hidisaan?

Yaa doonaya shirka doodad qaran? Waa su’aal u baahan in la is-weydiiyo. Jawaabtu waa ay fududdahay: DADKA INTIISA BADAN AYAA DOONAYA SHIRKA DOODDA QARAN.

Daliilkeedu wuxu yahay: Saddexdii xsibi-qaran laba ayaa doonayaa in shirkaa la qabto. Madashii Wada-tashiga ayaa doonaysa in la qabto. Aqlabiyadda aammusan ee xisbiga Kulmiye ayaa doonaysa in shirkaa la qabto. Inta cabbudhsan ee xorriyatul qawlka u halgamaysa ayaa doonaysa in shirkaa la qabto. Inta dulman ee xuquuqdoodii la duudsiyay ayaa doonaysa in la qabto. Inta dal iyo dadba muraadka ka leh ayaa doonaysa in la qabto. Ma jirto cid diiddan in la qabtaa marka laga reebo inta dus-duska iyo khiyaamada ku dhaqanta. Codadka diiddani halkee ayay ka baxaan? Waa in ku hadlaysa afka xukuumadda.

Yaa diiddan? Waxa diiddan xukuumadda iyo inta u hadlaysa ee ereyada madhan telefishannada iyo saxaafadda ku wareerisay. Shaashadda ayay soo fadhiisanayaan iyaga oo aan soo diyaar-garoobin oo aan garanayn waxay ka hadlayaan. Waxay yidhaahdaanba waa: lama qaban karo shirka doodda qaran. Madaxweynaha oo keliya ayaa qaban kara. Xeer ma sheegaan. Xaagaan ma soo xigtaan. Qodob dastuuriya ma xusaan. Haddana intaa waa ay xiiqsan yihiin oo dadkaba caammo ay duufsan karaan ayay u haystaan.

Cabbudhintii saxaafadda iyo xorriyatul qawlka, naafayntii xisbiyada mucaaradka ah iyo hawl-gabkii ay ku dhawaadeen, waxa ka dhashay Madasha Wada-tashiga. Dadku ma dhiman ee waa nool yahay. Haa, waqtigu waa adag yahay, dadku se ma aha mid ay soori wada qaadi karayso oo shilin u wada dhiman kara. Yaan lagu dagan.

Sidaas ayay Madasha wada-tashigu ku timid. Waa salleello Madasha wada-tashigu. Doonniidaa maanta baxaysa ee Shirka Doodda Qaran loo raacayo haddii ay xukuumaddeenna ‘Kacaan-u-eg’ ha hadho waxa bilaabmi doona kuwo kale. Waxa dhismi doona Is-bahaysiyo. Waxa samaysmi Is-xulafaysi ururro, xisbiyo, madalo iyo dhismayaal la mid ah. Waxa samaysmi doona Kulammo. Waxa samaysmi doona Wadaago. Waxa samaysmi intaas oo urur ama hay’adood oo isu tagta oo difaacda xuquuqda muwaaddiniinta.

Haatan iyo dan:

Xukuumaddaydaay, talo-san-ma qaadatooy! Xukuumaddaydaay talo-baas-ku rooraay!

Xukuumaddaydaay sidan iyo si baasba jecelay. Annagu xukuumadda ma nebcin. Dadku xukuumaddu in ay jabot ma jecla, waayo iyagaa ku jabaya. Xukuumaddu in ay fashilanto cidna dan uma aha.

Wada-joogga, wada-tashiga, wada-arrinsiga, wax-is-weydiinta, wadaagga hadalka iyo doodda, ra’yi-is-weydaarsiga ayay danteennu ku jirtaa. Cidina ma laha xukuumaddu ha dhacdo. Waxa la leeyahay xukuumaddu ha hagaagto, hagaaggaas idinka ammaan ku mutaysan doona. Waa wixii aad markii aad dariiqa soo ordayseen dadka ku wareeriseen ee aad Daahir Ra’yaale ku dhego-barjayseen. Waa tii oo hadal ah oo aan muddaharaad iyo qab-qab wadan.

Miyaad illowdeen murtidii Cali Sugulle Dun-carbeed ee ahayd:

“Diric keli ahaantii,

Daleed guusha kama helo,

Dadkaa geesi lagu yahay,”

 

Ilaahay xukuumaddeenna dariiqa toosan ha waafajiyo. Ilaahay ha garansiiyo in aanay dadka iyo dalka u talin ee ay u yihiin adeegayaal la dirtay.

 

Wa billaahi Towfiiq,

 

Waa la aqbalay ma is-tidhaahdeen.

 

Dhammaad.