Shirka Daneyayaasha Shaqo-abuurka Dalka oo Hargeysa ka furmay iyo Cilmi-baadhis lagu soo Bandhigay

Advertisement

“Xukuumaddu waxay ku hawlan tahay sidii loo dhiirrigelin lahaa shaqo qofka nacfi u leh iyo in la ilaaliyo xuquuqaha dadka shaqada ku jira” – Cabdirashiid Ibraahim Cabdiraxmaan

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Cabdirashiid Ibraahim Sh. Cabdiraxmaan, ayaa maanta magaalada Hargeysa ka daah-furay Shirka Wada-tashiga Arrimaha Shaqo-abuurka oo sannadkiiba hal mar la qabto.

Shirkan oo ay qaban-qaabisay Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland, waxa ka Qayb-galay daneeyayaasha Shaqo-abuurka oo isugu jira hay’adaha iyo Wasaaradaha dowladda Qaarkood, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan.

Ugu horeyn, waxa kulanka furay isla markaana muhiimadda uu kulanku leeyahay faahfaahin ka bixiyey Agaasime-waaxeedka Shaqo-gelinta, waxaanu sheegay inay wasaarad dejiyaan siyaasadda shaqo-abuurka dhalinyarada dalka, kulankanina qayb weyn ka yahay dar-dargelinta hawlaha shaqo-abuurka Qaranka. Waxa uu Agaasimuhu uga mahad-celiyey daneyaayeyaasha inay ka soo qayb-galaan kulanka oo ujeeddadiisa ku tilmaamay in lagu falan-qeeyo afkaarta shaqo-abuurka, fursadaha iyo caqabadaha jira.

Advertisement

Xubno metelayey Shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha maxalliga ah ee ka hawl-gala dalka oo kulanka ka hadlay, ayaa tilmaamay muhiimadda kulankani u leeyahay xogta shaqo-abuurka, waxaanay wasaaradda Shaqo-gelinta ku bogaadiyeen qaban-qaabada shirkan.

Xubno ka socday hay’adaha Dowladda iyo kuwa caalamiga ah ee kulanka ka qayb-galay, ayaa kulanka ku soo bandhigay warbixinno ku saabsan daraasado laga sameeyey fursadaha shaqo-abuurka iyo caqabadaha la xidhiidha ee ka jira dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan oo gebo-gabadii kulanka ka hadlay, ayaa faahfaahiyey muhiimadda Shaqo-abuurka dhalinyarada ugu fadhiyo Qaranka iyo Dedaalka ay Wasaarad ahaan ugu jiraan hirgelinta siyaasadda shaqo-abuurka.

“Xukuumaddu waxay ku hawlan tahay sidii loo dhiirrigelin lahaa shaqo qofka nacfi u leh iyo in la ilaaliyo xuquuqaha dadka shaqada ku jira. Waxa lagu hawlan yahay in la sameeyo xeerka ururrada Shaqaalaha rayidka ah,” Sidaas waxa yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo qoyska.

https://www.facebook.com/slntvone/videos/433852161963083

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement