Shirka Beesha Ciise Muuse oo la muddeeyey iyo Dareenka Xukuumaddu ka qabto

Hargeysa (SLpost)- Shir Beeshe Ciise Muuse ay hore u shaacisay inay ku qabsanayaan Deegaanka Dubur oo ka tirsan degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil, ayaa markii ugu horreysay la muddeeyey maalinta uu furmi doono, kaasoo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dareen sasle ka muujisay.

Shirkaas ayaa la shaaciyey inuu si rasmi ah u furmi doono 29-ka bishan September ee aynu ku jirno sannadkan 2011-ka, waxaana shirkaas loogu yeedhay Dan iyo Duco. Waxaana sidaa lagu sheegay qoraal kooban oo ay ku saxeexnaayeen Magacyada Salaaddiinta iyo Odayaasha Beesha iyo Guddiga qaban-qaabada Shirka, kaasoo u dhignaa sidan:- “Ujeedo: Muddeynta Shirka Beesha Ciise Muuse: Haddii aanu nahay Guddida qabanqaabada shirweynaha Beesha Ciise Muuse ee gobolka Saaxil  iyo salaadiinta beesha waxaannu ogeysiinaynaa, gaar ahaan ergooyinka ka qaybgeli doona shirka, in shirka Beesha Ciise Muuse oo loogu magacdaray ‘Dan iyo Duco’  ka furmi foono magaalada Dubur ee degmada Sheekh, maalinta khammiista ee 1da Dul Qacda 1432, oo ku beegan 29-ka September 2011. Shirka dulucdiisu waxay salka ku haysaa waa horumarka dadka iyo deegaanka gobolka Saaxil .”

Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ayaa dareen sasle ka muujisay shirkaas, gaar ahaan Badhasaabka Gobolka Saaxil oo marar badan ay Guddiga qaban-qaabada Shirka iyo Aqoonyahana Beesha qaarkood ku eedeeyeen inuu isku dayey sidii uu shirkaa u joojin lahaa, isla markaana aanu u qabsoomeen ee uu u burburi lahaa, ka dib markii uu ula muuqday Shir lagaga soo horjeedo Xukuumadda Madaxweyne Silaanyo iyo maamulka uu Gobolka Saaxil u idmaday. Hase ahaatee, dareenkaas saska leh ayaa la sheegay inuu illaa hadda ka jiro dhinaca Xukuumadda, iyada oo beeshu dhinaceeda caddaysay inaanu shirkeedu ahayn mid Maamulka lagaga soo horjeedo, balse uu yahay mid ay aayahooda mustaqbalka iyo horumarkooda kaga tashanayso beeshu.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net