Shir-weyne Lagu Faaqidayay Qorshe Qurbe-jooga Aqoonta leh Dib loogu Celinayo Dalalkoodii Oo Lagu Qabtay Holland

Amsterdam, (SLpost)- Wasiirku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland   Mawliid Maxamuud Ibraahim,  ayaa dalka Holland  ka qayb-galay shir caalami ah oo lagaga hadlayay aqoonyahanka qurbajoogga ah ee dalalkoodda dib ugu soo noqdaa, sidii ay   xirfadooda aqooneed ugu shaqeeyaan.wasiir ku xigeenka dibadda

Shirarka noocaasi  oo hay’adda socdaalka Caalamiga ah IOM Netherlands ay kala shaqayso dawlado badan oo jaalliyado ku leh dalka Holland iyo  wadamada Midawga Yurub.

Shirkan oo shalay ka furmay  xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Netherlands ee magaaladda Amesterdam, waxaa ka   qayb-galay  khubarro isugu jira maxalli iyo kuwo caalami ah xirfadleyaal tiro badan oo qurba joog ah, hay’adaha ku shaqada leh xidhiidhka jaalliyadaha iyo masuuliyiin ka socotay sagaal wadan oo ay ku jirto Somaliland.

Ujeedada  loo qabtay shirkaasi ayaa  ku saabsanayd  in lagu gorfeeyo Mashruuca soo celinta ku meel-gaadhka ah ee xirfadleyaasha wadaniga ah (Temporary Return of Qualified Nationals), kaasi  oo Hay’adda socdaalka adduunak u qaabilsan ee IOM Netherlands ay ka  caawiso wadamo kala duwan.

 

Taasi ah  saamaynta togan ee mashruucaasi, wakhtiga loogu tallo galay iyo in la dhiirri-geliyo sidii aqoonyahanka xirfadleyaasha qurba-jooggu ugu gudbin lahaayeen aqoonta iyo waayo  aragnimada ay leeyihiin  wadamada ay u dhasheen.

Muwaadiniinta aqoonyahanka qurbajooga ah ee Somaliland ee qaybta ka ah mashruucan ayaa illaa sannadihii u dambeeyay soo kordhayay iyagoo Mihnado shaqo oo kala duwan kaga hawlgala Hay’adaha kala duwan ee dawlada  Somaliland.

Dhinaca kale Hay’adda caalamiga ah ee International Organization of  Immigration  (IOM)  Netherlands waxay kala shaqaysaa mashruucan sagaal wadan oo Somaliland iyo Soomaaliya ku jiraan iyo Afganistan, Armenia, Cape Verde, Georgia, Ghana, Iraq, Moroco iyo Sudan kuwaasi oo isu gayntoodu ay  dib ugu noqdeen 800 aqoonyahan oo qurba-joog.

somalilandpost.net