Shir Mucaaradka uga Furmay Hargeysa iyo Nuxurka Hadallo ay ka jeediyeen Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada iyo Madasha Wada-tashiga

SHIR MUCAARADKA (5)Hargeysa (SLpost)- Shir ay hore u iclaamiyeen Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Hoteel Dalxiis ee magaalada Hargeysa, waxaana ka qayb-galay hoggaamiyeyaasha labada xisbi mucaarad iyo siyaasiyiinta ku bahowday Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka.

Guddoomiyeyeyaasha Xisbiyada UCID iyo Waddani, siyaasiyiinta Madasha wada-tashiga, Aqoonyahan, Mujaahidiin iyo dadweyne tiro badan, ayaa ka qab-galay shirka, waxaana intii uu shirku socday lagu gorfeeyey Ajandaha lagaga hadlayo muddu saddex maalmood ah oo shirku socon doono.

SHIR MUCAARADKA (3)Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo ugu horeyn ka hadlay shirka, ayaa naqdiyey baahiyaha iyo gol-doloolooyinka dalka ka jira. Waxa uu Guddoomiye Faysal sheegay in gabi ahaanba ay liitaan kaabayaashii dhaqaale iyo arrimihii Aas-aaska Nolasha ahaa sida; Biyaha, Wadooyinkii iyo Maciishaddii oo sicir-barar aafeeyey. Waxa uu Faysal intaas ku daray in xaaladda dalku ku sugan yahay xilligan ay ugu daran tahay aafada qabyaaladda oo uu xusay inay saamayn ku yeelatay wada-noolaanshaha iyo is-dhexgalka bulshada.

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda, ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo halkaas ka hadlay, ayaa tooshka ku ifiyay dibin-daabyooyin uu xusay inay tiro-beeleen oo Xukuumadda taladda Dalka haysaa ay Umadda ku hayso, waxa uu xusay in sababta ay shirka u iclaamiyeen tahay ka dib markii ay Xukuumaddu ka dhago-adaygtay inay fuliso go’aankii iyo Heshiis ay kala saxeexdeen Xisbiyadda Mucaaradka ah.

SHIR MUCAARADKA (5)Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo ka tirsan Siyaasiyiinta Madasha Wadatashiga oo ka hadlay shirka gunaanadkiisii, ayaa naqdiyey hab-dhaqanka xukuumadda Siilaanyo iyo hoggaaminteeda, isagoo ku eedeeyey inay u badheedhay burburinta Qaranimada Somaliland.

Shirkan oo ka baaqday inuu furmo maalintii Khamiista ee todobaadkii hore oo xukuumaddu hortaagtay qabsoomiddiisa, kaddib markii mucaaradku ujeeddada shirka ku sheegeen mid lagaga tashanayo aayaha dalka isla markaana ka dhan ah muddo-xileedka dhammaaday ee madaxweyne Siilaanyo. Haseyeeshee, waxa shirkan qabsoomiddiisa fasaxda maxkamadda sare ee Somaliland oo mucaaradku u gudbiyeen dacwad ka dhan xukuumadda iyo inay xaq u leeyihiin inay qabsadaan shir ay danahooda kaga arrinsadeen, balse go’aan maxkamadda sare ka soo baxay ayaa lagu fasaxay shirkaas, balse waxa ay Maxkamadda Distooriga ahi meesha ka saartay inay mucaaradku qaban karaan shir heerkiisu gaadhsiisan yahay ama ku magacaaban TALO-QARAN.

Dhinaca kale, shirka Mucaaradka uga furmay Hotel Dalxiis ee Hargeysa, ayaa ku soo beegmay iyadoo maanta uu dalka ku soo laabtay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo todobaadyadii u dambeeyey Safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa.

SHIR MUCAARADKA (6) SHIR MUCAARADKA (4) SHIR MUCAARADKA (2) SHIR MUCAARADKA (1)