Shir Lagaga Hadlayey Dib U Habaynta Garsoorka iyo Cadaalada Oo Hargeysa Lagu Qabtay

(SL.Post) Shirkan lagu darsayay dib u habaynta Cadaalada iyo Garsoorka waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Cadaalada Axmed Faarax  Cadare, Guddoomiyaha Maxkamadda sare Prof: Aadan X. Cali Axmed, Xeerilaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed Aadan, Guddoomiyaha Guddida Cadaalada iyo  Xuquuqal Iinsaanka ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Taliye ku xigeenka Ciidamada Asluubta, Taliye ku xigeenka labaad Booliska iyo masuuliyiin ka socday hay’addanUNDP.

shirka

Agaasimaha guud ee Wasaarada Cadaalada Jaamac Axmed Cabdiraxmaan ayaa sharaxay ujeedada shirkan lagaga hadlayey dib u habaynta cadaalada.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Xasan Aaxmed, Wasiir ku xigeenka Wasaarada qorshaynta qaranka Kaysar Cabdilaahi Maxamed, Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta, Taliye ku xigeenka labaad ee Booliska iyo  Guddoomiyaha Guddida Cadaalada iyo xuquuqal Insaanka ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Siciid  Cilmi Rooble ayaa dhincooda ka hadlay shirkan.

Wasiirka Cadaalada Axmed Faarax Cadare iyo  Guddoomiyaha Maxkamadda sare Aadan X. Cali Axmed ayaa sheegay waxyaabo la taaban karo ay ka qabsoonaan cadaalada iyo gasoorka.

 

Halkana ka daawo.

Somalilandpost.News