Shir Lagaga Arrinsanayo Boko Xaraam Oo Maanta Ka Furmaya Nigeria

Nigeria armyAbuja, (SLpost)- Waxa maanta ku shiraya caasimada Abuja ee dalka Nigeria, taliyeyaasha ciidammada dalalka Nigeria deriska la ah, iyagoo ka arrinsanaya dagaalka ka dhanka ah Boko Xaraam.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee dhaca tan iyo markii xukunka Nigeria uu la wareegay madaxweyne Muxamadu Buhari.

Taliyaha ciidammada Nigeria ayaa marti gelinaya taliyeyaasha dhiggiisa ah ee dalalka Chad, Cameroon, Niger iyo Benin.

Guul laga gaadho dagaalka ka dhanka ah Boko Xaraam ayaa waxa muhiiim u ah wada-shaqeyn dhex marta dalalkaasi.

Is-aaminaad la’aan soo kala dhex gashay dalal badan oo gobalka ah, ayaa mar hoos u dhigtay weeraradii ay qaadayeen ciidammada Nigeria.

Bishii hore, madaxwyenaha dalka Chad, Idris Deby, ayaa sheegay in nasiib-darro ay tahay in ciidammada Nigeria iyo Chad aanay wada shaqeyn lahayn, isaga oo horena aad u dhaliilay doorka ciidanka Nigeria uu ka qaadanayay dagaalka Boko Xaraam.

Madaxweynaha cusub ee Nigeria Muxamadu Buhari, ayaa isla markii loo dhaariyay xilka sheegay in wada-shaqeynta dalalka gobolku ay muhiim tahay.

Si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Boko Xaraam ayuu madxweynuhu amray in xarunta taliska ciidan ee Nigeria loo bedelo magaalada waqooyi bari dalkaasi ku taalla ee Maiduguri, halkaasoo udub dhexaad u ah kacdoonka Boko Xaraam. Ciidanka Nigeria ayaa sheegay in haatan ay ku dhaqaaqeen tallaabadaasi.

Madaxaweyne Buhari ayaa doonaya taageero caalami ah oo dheeraad ah in laga siiyo dagaalka ay Nigeria kula jirto Boko Xaraam.

Buhari oo ka qeyb galyay shir madaxeedka G7, ayaa sheegay in Nigeria ay doonayso in xog laga siiyo xidhiidhka Boko Xaraam ay la leedahay ururka Daacish iyo sidoo kale tabobarada iyo hubka ay haysato.

Somalilandpost.net