“Shir-guddoonka Wakiilladu Sharciyaddii Golaha Ayay Ku Tunteen”

Hargeya (SLpost)- Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa ku eedeeyay shirguddoonka Golaha Wakiilada inay wadaan qabyaalad iyo kala jeclaysiga mudaneyaasha golahaas, isla markaana ay jabiyeen dastuurka dalka  u yaala.Xildhibaan

Xildhibaan Xaamud oo shalay la hadlay warbahinta ayaa waxa  kale oo uu ka jawaabay hadalo dhawaan ka soo yeedhay Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo uu ku durayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud waxa uu xusay in Faysal Cali Waraabe uu doonayo sidii dalka loo dumin lahaa, maadaama oo uu ka soo horjeedo dastuurka dalka u yaala, waxaana uu wacad ku maray xildhibaanku inuu soo bandhigi doono kulamo qarsoodiya oo Faysal Cali Waraabe la yeeshay madaxweynaha dawlada Somalia.

Xildhibaan Xaamud oo ugu horan ka hadlaya qabyaalada ay wadaan shirgudoonka golaha wakiiladu waxa uu yidhi “shirguddoonka golaha wakiiladu  xaaraan ayuu ku joogaa, anigu gudida ilaalinta hantida qaranka ayaan ka mid ahay, labo jeer ayaa waxa noo soo baxay safar aanu dibada ugu baxayno, waxaana ka mid ahaa safar Itoobiya ay ugu baxeen xildhibaano ka mid ah golaha wakiialda oo ay raaceen shirguddoonku oo aanay xaq ahayn  inay raacaan shirguddoonku, guddoomiye ku xigeenadii gudi hoosaadka golaha wakiiladdana waa la  kaxeeyay aniguna guddoomiye ku xigeen ayaan ahaa, waxaana laygu yidhi  ma tagaysid adigu. waxa kale  oo dhacday waxa safar dibadeed u soo baxay gudida ilaalinta hantida qaranka dabadeedna ninka golaha guddoomiyaha ka ah ayaa keenay inaadeerkii oo Bukhaari ah, waxa aan idhi anaa xaq u leh ee maxaa dhacay, waxa laygu yidhi adigu daarood ayaad tahay.”

Xildhibaan C/qaadir waxa uu tilmaamay in shirguddoonka golaha wakiiladu ay ku tunteen dastuurka dalka u yaala, isla markaana ay kala jeclaysi ka dhex wadaan golaha wakiiladda, waxaana uu yidhi saddexda shirguddoon ee golaah wakiiladda iyo xoghayaha balan waxa aan ku qaadayaa in golaha ka bixi doonaan iyagoo hoos eegaya waayo golihii ayay xaq daro ku eegeen, cuqdad bay galiyeen sharciyadii, dalka ayay ku tunteen.”

Xildhibaanku waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi “xaq miyaa, xeer miyaa, in xildhibaan ka tirsan guddi kale lagu soo daro gudida ilaalinta hantida qaranka, xaafadi waxay  xaafad ugu wareegtaa waa xasarad. Waxaa, waxa samaynayaana  waa shirguddoonka, cidina lama wadaagto, waxaana laygu beegsanayaa Kulmiye ayaad difaacaysaa. Waanan ku qanacsanahay waana ahay waanan ahaan doonaa waanan difaacayaa siyaasiyadiisa, laakiin way reeraysan tahay tani.”

Xildhibaan Xaamud waxa oo uu ka jawaabay hadalo dhawaan ka soo yeedhay Guddoomiyaha xisbiga UCID oo si qaawan u weeraray guddoomiye ku xigeenka   koowaad ee golaha guurtida. Waxaana uu yidhi Faysal Cali Waraabe maalintii dhawayd markii uu hadlayay waxa uu ku yidhi Siciid timo weyne ninka Badhan ka yimi Hargeysa iguma xukumi karo.

Timo weynena sharciyad ayuu ka hadlayay waxaanan u haystaa in dalku reer Somaliland oo dhan ka dhaxeeyo qof walina xuquuq ayuu leeyahay wuxuu doonana xaq ayuu u leeyahay inuu diido. Runtii aad baan uga xumahay hadalkaa ka soo yeedhay Faysal Cali Waraabe.”

Xildhibaanku waxa uu sheegay in Faysal Cali Waraabe doonayo in dalka la dumiyo, Isla markaana ay dastuuri tahay muddo kordhinta golaha guurtidu u sameeyeen xukuumadda iyo golaha wakiiladda, waxaana uu yidhi “golaha guurtidu muddo kordhintii ay sameeyeen sharci ayay ahayd, sharcina way ku fadhiyaan. Sharciga haddii laga tagana waxba ahaan mayno. Waxaynu ognahay rag qarankan wax badan u soo qabtay oo la ogyahay waxaa dabray waa dastuurka.

Dastuurka haddii laga tago faqradaas mudo kordhinta ee ku qoran ee sidaa Faysal Cali Waraabe doonayo dalka la burburiyo waana la ogyahay inta goor ee uu la hadlay madaxweynaha Somalia. Waana sheegi doonaa goobta uu kula hadlay.”

Somalilandpost.net