Shir-guddoonka Wakiillada oo ka hadlay Saamaynta ay Somaliland ku leedahay Aqoonsiga Maraykanku siiyey Dawladda Somalia

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md Cali Yuusuf Axmed, ayaa ka hadlay aqoonsiga dawladda Maraykanku siisay Soomaaliya, waxaanu sheegay in arrintaasi aanay wax saamayn ah ku lahayn Somaliland.

Guddoomiye ku-xigeenka wakiilladaCali Yuusuf oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa isaga oo arrimahan waxa uu yidhi, “Somaliland inay Madax-banaan tahay dastuurkeena ayay ku qoran tahay oo shacabku wuxuu ugu codeeyay 97%, maantana meel laga noqdaa ma jirto, Soomaaliyada maanta la dhoob-dhoobayana dastuurkeedu maaha wax dadku u codeeyay, baarlamaanka iyo dawladdan la dhoob-dhoobayaana waa wax qabqablayaashii dagaalka iyo odayaashu midba badh keensaday, markaa aniga waxay iila muuqataa in Marayanku aanu si fiican u darsin Soomaaliya ee uu daaqad kaliya ka eegay oo ah nimankaasi Al-shabaab-bay la dagaalameen kolkaa halagu abaal-mariyo in la ictiraafo, haddii uu doonayo ha ictiraafo Soomaaliya, laakiin inagu shaqo kuma lihin.”

Dr Cali Yuusuf Axmed, waxa kale oo uu soo qaaday “Somaliland-na iyada oo aanay cidna khasbin ayay ku biirtay Soomaaliya, laakiin intii midowgu jiray guul-darrooyin badan ayaynu kala kulanay oo Magaalooyinkii Somaliland oo dhan waa la burburiyey, dadkiina waa lagu xasuusay, laakiin waynu saamixi karnaa, balse ma iloobi karno oo qoontii waa halkeedii,”ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md Cali Yuusuf.

SOMALILANDPOST.NET