Shir-guddoonka Wakiillada iyo Wasiirka Qorsheynta oo ka qayb-galay Kulan lagu falan-qeynayo Xeerka Xog-ururinta Baahiyaha Bulshada

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha wakiilada Somaliland ahna ku simaha gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cali Yuusuf Axmed oo uu weheliyo Wasiirka wasaaradda Qorsheynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire ayaa maanta si wada jir ah uga furay Hotel Imperial ee magaalada Hargaysa kulan hawleed lagu falanqaynayo xeerka istaatiitikis-ka ama xog-ururinta  oo ay soo diyaarisay wasaaradda Qorsheynta Qaranku.

Kulankan oo socon doona muddo Sadex Cisho ah waxaa ka soo qayb galay 50 xubnood oo ka kala socda wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda iyo xubno metelayey bulshada rayidka ah, waxaana maalgelisay hay’adda AWEBA.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha wakiilada Somaliland ahna ku simaha gudoomiyaha Mudane Cali Yuusuf Axmed oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay sidii loo ururin lahaa xogta baahiyaha bulshada, waxuuna u jeediyey ka soo qayb galayaashu inay ka faaa’iidaystaan.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta qaranka Dr Sacad Cali Shire ayaa isna sheegay in xeerkan ay soo diyaarisay wasaaradiisu uu ka turjumayo sidii xog sugan looga heli lahaa baahiyaha rasmiga ah ee bulshadeena, gaar ahaan dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo adeegyada kale ee aasaasiga u ah nolosha bulshada

Gudoomiyaha Gudida Arimaha dibada ee Golaha Wakiilada ee Somaliland Mudane Xuseen Cige oo madashii Kulankaasi ka hadlay ayaa ka waramay Marxaladaha ay xeerarku soo maraan marka ay yimaadaan golaha Wakiilada isagoo tilmaamay in xeerarku ay soo curiyaan Wasaaradaha dawlada isla markaana laga soo ansixiyo Golaha Wasiirada,wixii markaas ka danbeeyana loo soo gudbiyo Golaha Wakiilada,Waxa uu Mudane Xuseen Cige sheegay in Shirgudoonku xeerar kasta oo u yimaada ay gacanta u geliyaan Gudi hoosaadka ku shaqada leh si ay waajibaadkeeda uga gudato markaas kadibna la hor geeyo golle weynaha waxaanu intaas ku daray in sidoo kale Golaha Guurtida uu sii maro xeerarka ay ansixiyaan oo hadii ay ogolaadaan uu Madaxweynuhu saxeexayo.

SLpost News/Hargeysa