Shir-guddoonka Guurtida oo ka hadlay siday u arkaan Fasiraadda Sharci ee Madaxweynuhu ka dalbaday Maxkamadda Sare

Hargeysa (SLpost)- Shir-guddoonka Golaha Guurtida Somaliland, ayaa  ka hadlay tallaabada madaxweyne Siilaanyo kaga dalbaday Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka inay tafsiir sharci ka bixiso go’aanka khilaafka siyaasadeed abuuray ee golahaasi muddo-kordhinta ugu sameeyey madaxweynaha iyo Wakiillada, kaddib markii lagu guul-darraystay in Guurtida lagu qanciyo ka-tanaasulka go’aankaas oo xisbiyada mucaaradka ahi ku gacan-saydheen.

Khilaafkii Golaha Wakiillada oo la Xaliyey, Nuxurka Go’aamo Guurtidu ka soo saareen iyo qaabilaaddii labada dhinacGuddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac, ayaa sheegay inay Gole ahaan awood u sharci u leeyihiin, cid kalen aanay kala-tashan muddo-kordhinta oo dastuurka dalku fasaxay, balse madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu Maxkamadda sare ka dalbado tafsiir sharci haddii uu mad-madow dastuurka dalka meel-ka-dhac ku ah ku arko qodobbada sharci ee ay muddo-kordhinta u cuskadeen.

“Muddo-kordhinta annaga madaxweynuhu nagama dalban, golaha wakiilladuna nagama dalban, laakiin annaga sharcigaa na faray, waxa sharcigu na farayna, waa waajib aanu gudanayno. Sharcigu nama farayo inaanu madaxweynaha weydiinno oo nidhaahno Intee baa doonaysaa oo ku kalsoon tahay (Muddo-kordhin), taasna ma samayno annagu,” Sidaas ayuu yidhi Siciid Jaamac oo u warramay telefishanka HCTV.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Madaxweynuhu xaq buu u leeyahay haddii uu mad-madow ku arkay go’aankayagii qodobbada aanu cuskannay qaybo ka mida ama dastuurka ka hor-imanayo inuu mar kaas u gudbiyo Maxkamadda Dastuuriga oo ah ta qudha ee tafsiir ku samayn karta wixii sharciga ku saabsan ee hay’adaha dowladdu ku kala shakiyaan.”

Mar Guddoomiye Siciid Jaamac la weydiiyey inay ku qancayaan go’aamada ka soo baxa Maxkamadda Sare, waxa uu yidhi, “Maxkamadda Dastuuriga ahi waa maxkamadda dastuurku u fasaxay, dastuurkuna waa sharciga ugu sarreeya dalka, waanu ku qanacsanahay, sababta aanu ugu qanacsanahayna waa weeyaan kalsoonida aanu maxkamadda ka qabno oo ah inaanay xukumaynin wax sharci-darro ah oo dastuurka iyo xeerarka dalka wax u dhimaya.”

Madaxweynaha Somaliland, ayaa 8-dii bishan August u gudbiyey Maxkamadda Sare warqad uu ka codsaday tafsiir sharci oo lagu sameeyo Heshiis xal-siyaasadeed lagu sheegay oo Xisbiyada iyo Xukuumaddu xilliga doorashada ugu muddeeyeen bisha December ee sannadka 2016-ka iyo Muddo-kordhinsannad iyo 10 bilood ah oo Guurtidu qalinka ugu duugtay Madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada, taas oo xilliga doorashada ku riixday badhtamaha sannadka 2017-ka. Codsiga madaxweynuhu u gudbiyey Maxkamadda Sare ayaa yimi kaddib markii Guurtidu ku gacan-saydhay soo-jeedin madaxweynuhu kaga codsaday inay muddo-kordhintooda ku saleeyaan heshiiska dhexmaray xukuumadda iyo Xisbiyada.

SOMALILANDPOST.NET