Shir-guddoonka Golaha Wakiillada oo ka hadlay jiritaanka Mooshin la Sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka lagu qaadayo

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Dr. Cali Yuusuf Axmed, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war ay baahiyeen warbaahinta qaarkeed, kaas oo lagu sheegay in Golaha Dhexdiisa laga abaabulayo mooshin ka dhan madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Saylici.

Md Cali Yuusuf oo maanta warbaahinta la hadlay, waxa uu yidhi, “Mooshinka la sheegay in Golaha la keenayo waxba kama ogi, waxbana kama jiraan,” ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka labad ee Wakiilladu.

Md Cali Yuusuf waxa uu sheegay in fadhiga golaha ee maantu uu ufurmay sidii hore ee caadiga ahayd, isla markaana aanu jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo ka dhex socda mudanayaasha golahaas

Dr Cali Yuusuf

Warbaahinta dalka qaarkeed oo maanta baahisay in Golaha Wakiillada laga dhex abaabulayo mooshin xilka lagaga xayuubinayo madaxweyne ku-xigeenka isla markaana lala xidhiidhiyey khilaaf la sheegay inuu soo kala dhexmaray isaga iyo madaxweynaha, ayaa si weyn loo buun-buuniyey iyada oo laga faa’idaysanayo khilaafka labada masuul.

Somalilandpost

Hargeysa