Shil baabuur oo ka dhacay Dacar-budhuq

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay Dacar-budhuq oo u dhaxaysa Hargeya iyo Berbera.
Gaadhiga qalibmay ayaa ahaa gaadhi weyn oo ah nooca ay soomaalidu u taqaano Shaamboo Xayraanka ayaa waxa uu siday 24 nin oo ka soo jeeda Oromada ee dalka Itoobiya, waxaana ay tahriib ahaan ugu sii jeedeen magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland. Halka qof ee geeriyooday ayaa ahaa Alle ha u naxariistee dirawalkii gaadhiga oo ahaa Soomaali, Waxaana sidoo kale dhaawac ka soo gadhay qaar badan oo ka mid ah raggii Oromada ahaa ee uu siday.
Maydkii dirawalka iyo dhaawacii ragga kale ayaa maanta casar ku dhawaadkii la soo gaadhsiiyey cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, Waxaana dadka shilkaas dhibaatadu ka soo gaadhay ayaa lagu dawaynayaa qaybta gargaarka degdega ah ee Cisbitaalka Hargeysa.
Dadkaasi oromada ah  ayaa badanka sidaa loo daagureeyaa, marmarna socod ku gala magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland.