Sheeko Kale: Shajarata Addur

Cabdisalaan Yaasiin

Shajarta Addur waxay ahayd xaaskii mid ka mid ah salaadiintii Ayuubiyiinta oo la odhan jiray Suldaan As-Saalix Ayyuub oo Masar xukumayay. Isaga oo dagaal kula jira Saliibiyiintii ayaa Suldaanki xanuunsaday. Ka dibna waa dhintay.

Taladii dalka Shajarata Addur ayaa la wareegtay. Talaabadii  u horeysay ee ay qaaday waxay noqotay in la qariyo dhimashada Suldaanka. Arritaana waxa go’aansaday oo keligood ku koobnayd iyada iyo Taliyihii ciidanka.

Intii aanu Suldaanki dhiman, ayay Shajarata Addur waqraaqo badan ka sii saxeeday. Dalkana waxay ku maamulaysay waraaqahaas. Muddo ka dib markii la ogaaday in Suldaanki dhintay, toos bay xukunkii ula wareegtay oo iyadii ayaa Suldaanad noqotay.

Ku mayse raagin suldaanimadii, oo saddex bilood markii ay haysay ee cadaadis badani gudo iyo debedba kaga yimay, ayay nin wasiiradeed ka mid ah oo ay ku kalsoontahay ku wareejisay. Iyadaase xaga dambe u fadhiday oo talado ka go’aysay.

Shajarta Addur waxay taldii Masar gacanteed ka baxday markii xoog lagaga qaaday!!!