SHEEKO KALE KEEN: Yeygii Hadhkiisa Weeraray – W/Q: Prof. Cabdisalaaam Yaasiin

Cabdisalaan Yaasiin

Yey ayaa neef ugaadhsatay. Neefkii ayaa midba in goostay oo dhanac ula carrary. Mid ka mid ah yeydii oo qurub sita, ayaa soo ag maray il biyo ah. Ishii ayuu eegay. Wuxu arkay hadhkiisii oo ka muuqday biyihii. Hadhkiisi wuxu ula egaaday yey kale oo isna qurub sita.

Hunguri ayaa galay; oo wuxu naftiisa ku yidhi, “Si aad helib uga dherigtid maanta, qurubkaaga dhigo oo yeygan kale qurubkiisa ka qaad.” Intuu weerar laxaad leh isu diyaariyay, ayuu miciyihiis muujiyay oo qayladii dagaalka ku dhuftay.

Inta uu afkii kala qaaday oo qurubkii uu afka ku hayay sii daayay, ayuu hadhkiisii weeraray. Qurubkuu sitay markiiba biyihii soconayay ayuu ku dhacay oo qaaday. Yeygina biyaha dhexdoodii ayuu hadhkiisa la legdamay.

Markuu biyihii ku dhacay, weerkii ka dib, ee yey kalena waayo, ayuu xasuustay qurubkii uu sitay. Hareerihiisa ayuu eegay; waxna waa ka waayay. Markaasa waxa u cadaatay in hunguri iyo garaad daro qaaday oo uu hadhkiisii mooday yey kale oo helib sita. Halkaana, in uu qurub kale helo daayoo, uu ku waayay kii uu sitay! Ciil iyo calool madhanna halkii kala luuday!