SHEEKO KALE KEEN: Xuquuqda Gaagaabka – Prof. Cabdisalaam Yaasiin

Cabdisalaan Yaasiin

Bulshada reer galbeedka, siiba ta Maraykanka, ayaa ku can ah in cid waliba xuquuqdeeda doonato; una socoto ilaa xad golayaasha xeerdejintu xeerar ka dejiyaan. Sheeko kaftan ah oo la xidhiidha xuquuq raadiskaa oo aan dhab ahayn ayaa wargeysyada ka soo baxo Maraykan mid ka mid ah mar lagu soo qoray.

Sheekado waxay tilmaamaysaa in xildhibaan gaabani soo bandhigay xeer ilaalinaya xuquuqda dadka gaagaaban. Wuxu xildhibaanku ku dooday in dadka gaagaabani dulmanyihiin oo aan xaqooda la marin. Wuxu yidhi, “Hadday shaqo tahay iyo hadday ciyaar tahayba waa la takooraa. Ta kale waa in la joojiyaa erayada naftooda dhaawacaya ee ay ka mid yihiin cilin iyo gaabane.”

Sida uu wargaysku qoray, xeerkii waa laga dooday. Ka dibna cod baa loo qaaday; waana la ansixiyay. Waxay noqotay gef in qof gaaban lagu yidhaa cilin ama gaabane.

Xeerki Maraykan oo keliya ma saamayne, dunidii kalena waa saameeyay. Meelaha xeerkaasi dhibaatadu ka soo gaadhayna waxa ka mid ah dalka Kamaruun, halkaas oo ay ku noolyihiin dad gaagaaban oo loo yaqaan “Pygmies”. Dalkaasi dalxiis badan oo Marykan ayaa tegay jiray. Waxyaalaha ay u tegi jirayna waxa ka mid ahaa inay soo arkaan dadkaa gaagaaban ee “Pygmies” loo yaqaan.

Markii xeerka “Xuquuqda Gaagaabku” hirgalay ayaa dadkii u dalxiis tegijiray Kamaruun ka maagaan inay dalkaas u dalxiis tagaan. Taasina waxa keentay cabsi ay ka qabeen in dambi lagu soo oogo haddii ay eryada cilin iyo gaabane adeegsadaan. Cabsidaasina khasaare badan ayay keentay. Maxaa yeelay, lacagtii badnayd ee ka soo gelijirtay dalxiiska ayaa istaagta.

Dadkii gaagaabnaa ee reer Kamaruun markii ay sababta joojisay dalxiiskii lacagta badani ka soo gelijirtay ogaadaan, Safaaradii Maraykanka horteedii ayay banaanbaxyo ka dhigeen. Banaanbaxyadana waxay dawladda Maraykanka ku weydiisanayeen inay xeerkaasi dhibaatada u keenay tirtirto!