SHEEKO KALE KEEN: Xidigiye iyo Xorfad – W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin

Cabdisalaan Yaasiin
Cabdisalaan Yaasiin

Nin xidigiye ah ayaa waxa uu dhaqan u lahaa in uu habeenkii dibedda u baxo oo xidigaha dhugto. Meelo kala duwan ayuu ka eegi jiray xidhigaha si u ogaado isbedelada ka dhacaya deegamada balaadhan ee cirka.
Isaga oo meel uu ka fiirinayay xidigihii ka dhaqaaqay, habeenkuna aad u madowyahay oo ay gudcur tahay, ayaa xidigiyihi ku dhacay xorfad weyn oo hoos qodon. Waxaan naxdin ahyn, waxoogaa hurbuusooyin ah ayaa gaadhay. Ka dib markii uu ogaaday inaan lafi jabin, cadna go’in, dakharona gaadhin, ayuu kor eegay. Wuxu arkay in aanu ka bixi karay xorfadda oo ay aad u dheertahay.
In uu badbaado u baahanyahay ayaa u caddaatay. Si uu helona wuxuu u irkaday in uu qayliyo. Qayladisii ayaa dadkii ku dhowaa maqleen, markaasaa xorfaddii lagu soo ururay. Nin dadkii soo gurmaday ka mid ah ayaa yidhi, “Waar waa kuma ninka xorfadda ku dhacay ee ka dhex qaylinayaa?” Waydiintii ayuu maqlay, markaasuu u jawaabay oo yidhi, “Waar xidigiyihii magaalada ee xorfadda iga saara.”
Nin baa u jawaabay oo ku yidhi, “Xidigiye, wax badan baad cirka eegaysay oo aad cilmi falag ku fooganayd. Bal imika waadigan caalamkii hoose jooga eh, caynkee ayuu yahay? Iyamaase cibardu tahay inaad iska eegtid, ma caalmka sare mise caalamka hoose?”
Xidigiyihi wuxu ugu celiyay, “Waar caalamka sare waa heehaab iyo heeso maaweel; ka hoosina waa hog madow iyo halaag eh oo hadda uun baan gartaye; meesha iga saara!!!”

Prof. Cabdisalaam Yaasiin