Sheeko Kale Keen: Ninkii Labada Xaas Lahaa ~ W/Q: Prof Cabdisalaan Yaasiin

Cabdisalaan Yaasiin

Nin baa in badan guur u meer ahaa. Isaga oo aan weli guursan ayuu nin weyn oo  gadhmadoobe ah noqday.  Timihiisiina ciradi ku dhigtay. Ka dibna dadaalkii uu u guur meerayay ayuu kordhiyay. Maalin ayuu laba dumar ah, mid yar iyo weyn, la kulmay. Labadiiba waa jeclaaday; waana guursaday.

Gabadhii yarayd waxay jeclaatay inuu ninkeedu u egaado nin dhalinyaro ah oo qurxubadan oo firfircoon. Sidaa darteed, dharkii dhalinyarada ayay u diyaarisaa, cadaro iyo kiriimo ayay u diyarisaa, tihimahan tinkii ciro ah ee aragtoba way ka gooysaa.

Gabadhii weynaydna waxay jecelaatay inuu ninkeeda da’doodu isku dhowaato. Iyana dharka waayeelka ayay u diyaarisaa; timaha madowna waa ka gooysaa.

Ninki markii hore ogaalka iyo xanaanad labdiisa dumar ah aad buu u jeclaystay. Hasa ahaatee, mudo ka dib ayaa waxaanu filayn ku soo baxeen. Sida ay labadii dumar ahaa midna tinka cid u gooynaysay midna tinka madow, ayay timihii madaxiisa ka dhameeyeen oo bidaar siman gashay!!!