SHEEKO KALE KEEN: Garyaqaan – W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin

Cabdisalaan Yaasiin
Cabdisalaan Yaasiin
Cabdisalaan Yaasiin

Iyada oo kiis la qaadayo ayaa nin garyaqaan ahi  yeedhay markhaarigii u horeeyay oo ahayd islaan da’ weyn. Inta uu ku dhowaaday ayaa wuxu ku yidhi, “Ma i garanaysaa?”

Waxay ugu jawaabtay, “Haa. Waan ku garanayaa. Weliba adiga oo inan yar ah ayaan garanayaa. Run ahaantiina, khasaari ayaa lagaa joogaa. Waad been badantahay. Waad xan badantahay. Dirdiraalaad tahay. Nin reerkiisi gabay baad tahay. Waxad ismoodaysaa nin cirka maray oo xidhig ifaya ah, waxadse tahay mid aan garaad iyo garsho toona lahayn oo war iyo waraaqo la eedo maxkamadaha la meermeera.”

Garyaqaankii oo fajiciso ka qaaday weerarkii islaanta ayaa into cabaar aamusay hadana ku yidhi islaantii, “Garyaqaanka qolada kale u qareenka ah ma garanaysaa?”

“Haa.” Ayay tidhi islaanti. “Haa, oo waan garanayaa. Isaga oo yar baan isna garanayaa. Isaga laftiisa waa lagu hoobtay.  Waa beenaale. Waa caajis. Waa wax ma tare. Waa biidhi qaata. Wuxu ismoodayaa inuu garyaqaan milge iyo maqaam le yahay, hasa yeeshee, waa meeel madhan oo mugdiya.”

Markay hadalkii dhamaysay ayaa maxkamaddii aamus hadheeyay. Ka dibna qaadigii ayaa labadii garyaqaan u yeedhay. Markay u yimaadeen ayuu cod gaaban oo aan cid kale maqlayn ku yidhi, “ Haddii aad weydiisaan islaanta inay i garanayso, labadiinaba waan xidhayaa oo waxan ku xukumayaa xadgudub xurmo maxkamadeed!”

QALINKII | Prof. Cabdisalaam Yaasiin

prof.abdisalaam@gmail.com