Sheeko Gaaban: Maydad Wadhan! – W/Q: Faadumo Aadan

Maalin baa ka soo wareegtay, maalintii koofiyadda dhammaysashada Jaamacadda madaxa loo saaray ee lagu yidhi, ”Waadigaa maanta mustaqbalkaagii madaxa ku sita.” Mabsuud aan kala go’ lahayn ayey gashay iyo dib u milicsi maalmahay madasha waxbarashada ku maqnayd. Waxay markiiba ogaatay, in aanay maalmahaa markasta maankeeda iyo maskaxdeeduba muujin doonnaan muddankooda, oo aanay ka meer-meeri doonnin. Dad badan madasha way joogen. Ardaydu waxay ahaayeen arday aad mooddo inay mar wada dhasheen oo cidiba u dhaxayn.

FadumoWaalidiin tiro badan oo farxad la wareeray indhaheedu markaa way arkayeen. Bareyaal foolkooda laga dheehanayo farxad aan kala go’ lahayn, iyagana way u fiirsanaysay. Meel aad u ballaadhan oo farshaxannimo iyo farsamo badan ka muuqato ayay ahayd. Ha billaabmo hadalladii kala duwanaa, ee laga jeedinayey goobta xafladdu. Wasiiro, waalidiin iyo wadaro kale oo dad kala duwani madasha way ka joogen. Malaheeda markay u fiirsatay cidi magaalada kamay maqnayn. In doora Munaasibaddii ha socoto ardaydiina ha wada loo hambalyeeyo.

Waalidkii ku soo dhiddidayna ha loo wada duceeyo. Siday ubadkooda u bar-bar taagnaayeen, muddo badan oo tiro lahayn. Siday markasta ugu barraarujin jireen ahmiyadda waxbarashadu u leedahay aadamaha, ayey aad ugu nuux-nuuxsadeen. “Maanta farxaddeenna dhammaanteen lama soo koobi karo, waxaynu u dabaal daggaynaa oo aynu la dakaynnaynaa ubadkeenii, ubaxeenii, anfaceenii, aayaheenii, oo aynu maanta midhahoodii la goosanayno”. Waxa hadalkiisii ku bilaabay maamulka guud ee Jaamacadda. “Ubadkeenna aynu bar-bar istaagno markasta aynu wax barrno.” Ayuu hadalkiisii ku soo gabo-gabeeyey.

“Waad ogtihiin maanta, inaanu heer sare ka gaadhnay shaqaalaysiinta ardayda Jaamacaddaha dalka ka soo baxay. Waad ogtihiin sida waddankeenu u horumaray dhinac kasta. Waxan hadda idiin ballan qaadaynaa aniga oo ka wakiila, Madaxwaynaha dalka oo maanta dalka ka maqan waxa uu is soo faray:- in shaqooyin kala duwan la idin siin doono, oo ku salaysan waxbarashadiina, sidii kuwii idinka horreeyey loo siiyey:- in si sinnaansho ah la idiin siin doono:- iyo inaad shaqooyin idiin qalma la idin siin doono, hadduu Eebe idmo. Waxan markasta idinku dar-daarayaa, inaad waddankiina ilaashataan oo cadawga ka difaacdaan. Waxbarashaduna ma dhammaato ee sii wata waxbarashadiina. Ilaa intaad nooshihiin. Hambalyo. Hambalyo.” Waxa hadalladaa koob-kooban yidhi, wasiirka waxbarashada oo madasha joogay.

Haba dhammeeyo wasiirkii dar-daarankuu ardayda u jeedinayey. Inkastoo la taagnaa markan xilligii la rabay in la guddoonsiiyo, waxay ardaydu mutaysteen, hamaansigaaba arday badan ku billaabmay. Qaar baaba kuraasta lullo darraadeed ka daaddan gaadhay! Iyadu se waxay dhuuxaysay dhagtana u dhigaysay, weedh kastoo ka soo baxda afka dadkii xafladda ka hadlayey. ”Toloow xafiis noocma ah baa lagu gayn doonaa? Maamulka iyo shaqaalaha xafiiskaas toloow ma is fahmi doontaan? Oo toloow mushahar wanaagsan ma lagugu billaabi doonaa”? Mawjado waydiimo hor leh, oonay warcelintooda helinbay nafteedii ku huftay. Markii magaceeda lagu dhawaaqay, ayey noqotay sidii qof hurddo habeennimo laga soo toosiyey, oo biyo dusha lagaga shubay. korba waa ta u boodday! ”Alla goormaa la i yeedhiyey? Mabaan maqlayn oo illayn waan maalin riyoonayey. ”Ayey tidhi iyadoo dhoolo caddaynaysa.

Saf dheer oo ruumi cas loo dhigaybay, sidii Awr xidhiidha isa soo dabo galeen, iyagood foolkooda farxad badan oon la koobi karin ka dheehanayso. Qiyaasteeda haddii la guddoonsiiyey arday aan dhammayn toddoba ay iyadu ku jirto, waxaba si fillaana ugu soo dhacay, gantaal gariir iyo xoog isku darsaday. Meel uu ka yimi, meeshee u socday iyo sababtuu ugu dhacay la garan waayey! Cirka iyo dhulkaba waa laga soo weeraray! Cidda se soo weerartay way iska garanayeen iyagu. Isla markiiba Boqollay qof wuu la tagay. Naftiina way ka haadday. dhaawac ay ku jirtay iyadu tiro may lahayn. “Bisinka….Bisinka alla halkee la innooga yimi. ”Ayay maqlaysay, baroortaa ka dhammaatay. “Alla hayaay….Alla hayaay” ku Cabaade dhaawac halisaa lugta middig kaga yaala, inay lugtu go’dayna way u muuqataa.

Dhiig aad badan baa ka qulqulaya. Arragtay maydka sayigeeday ku indho-kuulan jirtay iyo labadeedii wiil ee mataanaha ahaa, oo iyagu ku wehelinayey xafladda Jaamacadda saddexdoodaa u soo raacay. Markii hore waxay is tidhi, “Mallaha naf baa ku sii jirta. ”Waxay isku dayday, inay beerka ku soo siqdo, si ay ugu soo dhawaato. Kuba arragtay indhaheeda inay naftu judhiiba ka Haadday. ”Ii gurmadaay, ii gurmadaay. Alla idin waayayeey way Indhahaygiiyoow.” Ayey ku barooratay iyadoon hadalba ka soo bixi karayn. Markaasaa ugu danbaysay hadal. Way miyir doorsoontay. Cidiba cid ma maqlayso. Dumar oo dhanna sideeday u barooranayaan. Cid kastoo halkaa joogtay oo noolba, jaho wareerbaa ku dhacay!

Cid wixii dhaawaca ahaa oo ay iyadu ku jirto cusbitaaladaa loola cararay, intii dhimmatayna xabaal wadareedyaa la iskugu geeyey, dumarka dhinac, caruurta dhinac, raggana dhinac. Magaalada meel kasta waa la duqeeyey. Jaamacaddooda ay munaasibadda ku qabsanayeen oo kaliya lama duqayn, waxa kale oo la duqeeyey:-goobo badan oo magaalada ka mida. Way ku garaadsatay iyadu siday hooyadeedba ugu garaadsatay, dhibtan iyo baaba’an.

Saddex sannaa ka soo wareegay markii hooyadeed, aabbeheed, iyo walaalkeedii kor uga waynaa ku dhinteen weerarkan oo kale. Maantana waxay ku wayday sayigeedii indhaha u sirraaday iyo labadeedii wiil, ee murrugada ka yareeyey. Goob kasta oo dad ka dhawaa sida:- waddooyinka faras magaalada, xaafadaha, dugsiyada, waxay noqdeen, mayddad wadhan! Iyo dhaawac dhiig bax u dhammaaday, cusbitaaladana lagu daaddiyey!

Inta dhimatay ee la helay iyaga oo jidhkoodu isku yaalo, waxay saddex-laab ka badan yihiin, inta la waayey raq iyo ruux. Duul baas baa ku soo duullay. Maantaba labada lugoodbba way go’an yihiin, gaadhi curyaan baa lagu wadaa. Hamigii fogaa ee ay lahayd, wuu hagaasay siday curyaanta u tahayna, isna curyaan buu noqday lixda laxaadba la’. Hooyadeed, aabbeheed iyo walaalkeed oo kaliya may waayine, waxa kale oo ay wayday toddoba gabdhood, oo ka mid ahaa asxaabteeda kuna kala noolaa toddoba waddan. Sidan si lamida, iyo si ka duwan weerar loogu soo qaaday halkaana ku naf waayey.

Waxay ku dhaaddaysay meeye? Waxay filaysay xaggay u firdhadeen? Farxaddeedii, hammigeeddii iyo himiladeedii fogayd, maxaa hagaasiyey ee harraatiyey? Intuba markaliyey isku baddaleen murrugo aanay ilaawayn muddo badan oo nolosheeda ka mida.

Marba marka ka danbaysa waxay ku suuxaysaa, sariirta dusheeda, markay cabbaar suuxsanaatanna way soo yara miyirsanaysaa, markaasay indhaheeda ilmo kulul oo haddii weel la hoos dhigi lahaa buuxin lahayd, ka soo dareeraysaa.Way is ciil-kaabinaysaa, callool xumana way u dheer tahay, waxa taa ka sii daran xummadda haysa ee jidhkeeda tin iyo cidhib buuxisay. Way cidlloonaysaa.”Haddii laguu ogolaan lahaa, baddaad isku soo ridi lahayd ama buurahaad iska soo dul tuuri lahayd!” Bay hoostaa ka leedahay. Carrabkeeday intaa ruuggaysaa iyadoon darreemayn wax xanuunna.

Dhammaad.

WQ: Faadumo Bintu Aadan Buuni

libaaxo.77@gmail.com

Hargaysa-Soomaliland

Bahda Hal-Abuurka iyo Qoraalka (Hal-Qor)