Sheeko Gaaban: Ismuu dhiibin! – W/Q: Saddam Carab

Saddam Carab
Saddam Carab
Saddam Carab

Sidan waayaha iyo waqtiga ayaa ku xukumay, laakiin ismuu dhiibin wali. Dabcan waqtigu waa ka ku simay darbiga hoostiisa iyo dooxa dhexdiisa. Maaha wax uu kasbaday ama keensaday isagu ama uu ka guuri karoba, waayo ma ay jirin cid waydiisay ama kala tashatay joogiddiisa nolosha iyo jabkiisa toona.  Ma yaqaan cid u ah ab iyo ehel, sida aanu u garanayn oo kale cidda dhashay iyo cidd uu la dhashay. Waa geed aan la danayn, la daryeelin oon cidiba daymoon dhankiisa. Noloshiisu kama duwana tan xoolaha haddii aanay ka hoosayn mararka qaar.

Dhammaan baahiyihii nololsha Aadame ee aasaasiga ahaa wuu ka arradan yahay. Haddii ay tahay hu’, hunguri, hoy iyo lamidkoodba. Habeenkii jawaannada laga dhammaystay cuntada ayaa hu’ u ah, gebiyada dooxyada khashinka hoostooda ayaa hoy u ah, intaas se haddii uu helay waxayba u tahay wax wayn isaga.  Wuxuu ku garaadsaday derbiyada isaga oo u hoyda aroorntiina ka kallaha. Wuxuu u kallahaa meelna sida aanu ugu hoyan hoyba. Marka laga tagi waayo wuxuu meelahaas soo boobaa ama baryootamaa cuntada uu jidiinkiisa qallalay ku qoyn lahaa. Ka dib ku soo laabtaa hoygiisa hantida u ah! Waa hoyga uu hubo in ay ku nabad siin doonaan kuwa ku dhibay ifku.

Gu’ga ay dadku barwaaqada iyo bash-bashta ku jiraan isagu go’ iyo gebo-gebo ayuu ku dhawaadaa, daadadka rogmanaya haddii uu se ka badbaado ayaaba barwaaqo iyo bashbash isaga ugu filan! Inta Mayayga iyo Miiraalayaashu ay bannaanka ka helaan ayay kaga dul qaadaan bannaanka, dabadeed ka qooyaan hugiisa  iyo hoygiisa biyaha u nugul mararna kala tagaan ba biyuhu!

Bilaha diisambar iyo jeenawari ayuu jabkiisa ugu wayni galaa; waa xilliyada ay dhaxantu soo dhacdo ee ay feedhiisa qaawan darandoorriga ugu dhacdo kadibna isugu garaacdo gawsaha. dabadeed gariir iyo guux ay dhaxantu ka aloosto bowdyihiisa iyo beerkiisaba! Taas tu kaga daran oo soo marta ma garanayo noloshiisa, waana mid uu dhowro jiilaal walba, oofta iyo dhaxanta caataysay uu ka qaaday.

Waxa halkan hortiisa ah  maraya dad, dad noole ah oo aan isaga la jaad ahayn, waxay la qadhqadhayaan dhaxanta ka soo taftay koodhadhka ay sitaan ee baddashay jawigooga. Wuxuu eegayaa xaaladdoodaa, dabadeed ku dhererinayaa tiisa! Oo maxaabu kaga dhererin kuwan, waa daqiiqadaha ay gurigii gaadhayaan inta uga hadhay dhaxantu e’. Saw waxyar ka dib qaarkood bogga la gelin maayo qaarna bustayaal huluulan maayaan? Isaguna bacaha bariiska ay ka shubtaan iyo karaatoonta caanaha laga cabbay saw ma huwan  doono sidii oo ay dhaxan ka celin doonaan?! Markaas ayuu isku qancinayaa in aanay isku dad ahayn kuwan, isku diir ahayn oo kala duwan yihiin gebi ahaan! Haa ma aha isagu qof nool oo baahi u qaba waxa ay dadka nooli u qabaan ama ay dhibayso waxa dadkaas dhibayaa. Haddaa sabab ay cid uuni uga nixi wayday oo dhaxanta uga xarayn wayday? Maxaan maalin qudha loogu soo fiiqin hu’ uu dhaxanta ka gashado ama kabo uu qodaxda iyo qururuxa ka xidho? Isagu ma aha qof ee waa xoolo oo kale, xoolahaaba la daryeeshaa!

Marka wax la siinayo xataa waxa uu la masa yahay xoolaha magaalada ku nool oo kale, wali inta cunto daray ah loo dhiibay lama odhan ka dharag. Hambada iyo hadhaadiga dadka nool ayaa la siiyaa waliba hagardaamo iyo hiifna loogu daraa. Qof nool oo caadi ahi waligii ma salaamin oo gacan ma saarin, daaye waxaad mooddaa in diirkiisu yahay sun iyo najaas aan la taaban. Mana garanayo sabab ay waxan oo dhami ugu dhacayaan iyo dambi uu galay iyo cid uu uga dacwoodo iyo cid warba u haysa! Laakiin wuxuu isku qanciyaa in uu ku khaldanyahay noloshan uu nool yahay ay habboonaan lahaydna ka hulleelkeedu.

 Intii da’diisu yarayd wuxuu u riyaaqi jiray dhallaanka la midka ah ee dugsiyada taga iyaga oo ku faraxsan, ka yimaadda iyaga oo faraxsan ee uu arko mar walba waalidkood oo ku faraxsan! Qalbiga ayuu kala farxi jiray laakiin kagamay tagi jirin wax aan walaac iyo walbahaar ahayn. Aragtidoodu waxay sii nacsiin jirtay nolosha uu nool yahay. Mar haddii aanu haysay dugsi uu ku kallaho oo ku farxo, waalid la farxa oo u farxa iyo bal cid farxad uun u muujisa maxay naf leedahay noloshiisuba? Mise horta nooleba ma aha?

 Maanta wuxuu madaxa ka gooyey gu’gii 15 aad, labada fool ee sare wuu la’yahay waana midda loogu naanaysay ‘Ilka Case’. Wajigiisa waxa nabarro  ku yaal ayaa baddalay midabkiisii. Waxa uu xidhan yahay shaadh ay la’aantiisu dhaanto iyo surwaal gees walba ka rifan, caato aan laga dhuubnayn weeyi jidhkiisu caqligiisana waxa curyaamiyey ciilka iyo cuqdadda lagu beeray. Intaas oo dhanba waxa kaga daran dhamacda ka oogan uurkiisa iyo dhimbiisha hurinaysa qalbigiisa. Ha iska yaraato da’diisu se silic iyo saxariir badan ayuu soo jibaaxay, Hoog iyo halaag kasii daranina jidka ayuu u yaal sida uu u badaniyo ee ay u badantahay. Ma doorsan karo noloshan Ilkacase, mana laha dariiqo uu ku doorsan karo, deegaan u saamaxaya iyo cid ka caawisa toona!

Wuxuu inta badan waqtiga adag iyo wel-welka isku dhaafiyaa xabagta iyo Baatroolka uu caagadda ka nuugo, waxay ka fudaydiyaan culayska saaran korkiisa iyo caadadiska loogu heshiiyay. Waxay ka saartaa xaaladda caadiga ah ee uu la caddiban yahay ka dib uu tagaa nolol kale oo uga hawl yar middan lagu kadeeday. Taasina waa hab uu ku furdaamiyey dhib badan oo ku kallifi lahayd inuu dhib kale keeno sida uu qabo ee dad badannina la qaateen. In uu kharribo nolosha dadka nool wuxuu ka doorbiday in uu kharribo tiisa oo dooriyo maankiisa. Markaas ayaa haddana lagula sii colloobaa, la caydhiyaa oo la yidhaa ‘Xabaglaha dila oo xabaala’ miyaanay ogayn in uu dhibkooda hore xabagle ka noqday, dhibaatayn uu iyaga uga baqayna u gaysay?  Miyaanay ogayn in ay iyagu cid u yihiin ciilkooduna camal xumadan baday? Ma nolosha ka hulleel mise xoolo noqo qof ma tihide’ ayaa la leeyahay haddaba? Midna lama odhan ee ‘sidan ahow Ilkacasoow’ ayey u eegtahay!

Isaga iyo waayo-wadaaggiisuba ma haystaan ciirsi la taabto iyo cid u maqan oo la sheego, haddana ma jecla noloshan oo waxay mar uun rajaynayaan in ay ka gudbi doonaan duruufahan iyo daranyadan badan. Waxay kor iyo kalba ka jecelyihiin in ay mar uun noqdaan sida dadka nool ee caadiga ah oo kale, waxay jecel yihiin in ay ka guuraan goobaha xashiishka iyo gidaarrada hoostooda una hoydaan guryo kuwa dadka nool oo kale ah. Waxayna mar uun rajaynayaan in cidi u gurmato, in cidi garab gasho waxay mar uun rajaynayaan in ay heli nolol, nolol rayn rayn ku dhisan, nolol aan rafaad lahayn, nolosha ay noolyihiin dadka caadiga ahi in ay noolaadaan ayey rabbi ka tuugaan goor iyo ayaan oo ka rajaynayaan ilbidhiqsi kasta oo ka mid ah maalin kasta oo ku jirta sannad kasta!  Mooyi si ay rajadoodu u rumoobi, Ilaahay se waxba kuma adka.

Ismay dhiibin wali!
Qalinkii: Saddaam Xuseen Carab
Saddamcarab@gmail.com
saddaamcarab.blogspot.com
Hargaysa Soomaalilaan