Sheekha Mucjisada ah ee u dhashay dalka Tanzania ee Sh. Shariif oo maanta Hargeysa Yimi

Hargeysa, 28 February, 2012 (SLpost)- Waxa maanta is heer sare ah loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa Sheekh Shariif Makididi oo ah wiil mucjiso ah oo u dhashay dalka Tanzania, isla markaana ah xaafudul Quraan mujicso ku noqday dunidda islaamka ka dib markii uu hadlay isagoo sagaal bilood jir ah, waxa uu meelo badan oo dunida ka mid ahna ka soo jeediyay muxaadirooyin diin ah.

Sh. Mikidadi waxa madaarka Hargeysa kaga hortagay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo marti-qaadka uu dalka ku yimid sheekhani u fidiyay isaga iyo iyo culimo-awdiin tiro-badan iyo Guddiga wanaag farista iyo dadweyne kale oo aad u tiro-badan.

Sheekh Shariif Makididi ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay socdaalkiisa Somaliland qeyb ka yahay safaro uu ku marayo dalalka Afrikaanka waxaanu xusay in Safarkiisu uu la xidhiidho arrimaha diinta iyo sidii bulshada loo  fahamsiin lahaa.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa sheegay in shacbiga iyo xukuumadda Somaliland ay niyadsami ku soo dhawaynayaan Sh. Shariif Mekididi, waxaanu tilmaamay in Sheekhu uu dalka joogi doono mudo 10 maalmood, isla markaana uu la kulmi doono Madaxda Qaranka iyo Culimada Diinta

Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu waxa uu intaas ku daray inuu Sheekha si Kalgacal iyo Walaaltinimo leh ugu soo dhawaynayo Somaliland oo ah dalkiisii labaad Wiilkan Xaafudul qur’aanka ah ayaa la filayaa inuu maalinta Khamiista ah ka jeediyo fagaaraha beerta xorriyadda muxaadiro diini ah.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net