Intabadan Sheekhu wuxuu can ku yahay ka hadlaka duruufaha nololeed ee innagu xeeran sida looga gudbi karo. wuxuu ka fekera danta guud iyo daryeelka bulshada. Sheekhu qaran ahaan wuxuu ku jiraa kaalin muhiima. Waxay ahayd saaka ciidi u horaysay ee aan ku tukado garoonka weyne ee Xawaadle oo ku yaala degmada lix iyo laabtanka juun magaalada Hargeysa. Sheekhu wuxuu ka hadlay saaka qodobo manfac u leh bulshada , haddi laga midha dhaliyana lagu intifaaci doono. Labba qodob oo midba kaalin bulshada u buuxin doono haddi la hirgasho fekerkaa qiimaha badan ee uu soo jeediyay Sheekh Aadan Siiro khayar Alle haka siiye.
Qodobada qiimaha badan ee uu ku dhiraday sheekhu soo jeedintoodan uu saaka kaga dhawaaqay garoonka Xawaadle ayaa si gaara u saameeyay dareenkayga, waan filayaa kumanaankii qof ee ku tukanayay madasha inuu iyagana si uun u saameeyay dareenkooga. Mawduucyada sheekhu ka dhawaajiyay waxay kala ahaayeen mid loogu gargaarayo danyarta oo kor loogusoo qaadayo noloshooda , laguna cidhibtiraayo saboolnimada baahsan eek a jirta dalkeena, korna loogusoo qaadayo nolol maalmeed ahaan iyo waxbarasho ahaanba danyarta tabaalaysan. Ka labaadan wuxuu ahaa barnaamij lagu xakamaynaayo ama lagu taageerayo guurka qaaliyoobay ee dhallinyarada is calmaday ka hortaagan inay helaan guur xalaal, barnaamijkan oo haddi la hiragasho dabarka ka furi doona kumanaan doobab iyo gashaantimo qoys doona.
Sheekhu wuxu noola wadaagay si dareen leh oo hanatay qalbiyada iyo quluubta muslimiintii ku tukanaysay madasha, si ku dhac iyo dhiranana leh oo muujinaysa waddaninimo uu dheeryahay dhigii, haddi la heli lahaa kumanaan sida Aadan ku dhiirasho leh oo la wadaaga bulshada hadba wadciga jira iyo duruufaha nololeed ee innagu xeeran sida looga gudbi karo waxa la heli laha bulsho bisil oo isku duuban. Barnaamijyada sheekhu maanta iba-furay oo dhamaantood waxta u leh bulshada Soomaalilan ayaa u baahan taageero iyo baal istaag lagu hirgasho.
Intabadan sheekhu wuxuu si kalsooni leh uga hadlaa dareenka siyaasiga ah ee hadba jira, isagoo qaata kalintiisa wacyigelineed ee ku aadan hadba xaalada jirta. Dhiirigelinta waddaniyada iyo ku abuurka bulshada dal jacaylka, ka hadalka nabad gelyada. Aadan Siiro waa sheekh aftahana oo soo jeedintiisu saamayn ku yeelato bulshada, barnaamijyo badan oo manfac lehna hormuud ka ahaa hirgelintooda. Waxa lagu xasuusta Sheekh Aadan siiro barnaamijka qiimaha badan ee Miskiin kalkaal oo ay ka faa’ideen kumaan qoys oo saboola. Miskiin kal kaal waxa lagu quudiyaa bilkasta kumanaan qoys oo danyara, iyadoo lagu caawiyo raashin ay ku noolaadan.
Sheekhu wuxuu ka fekeray khayr Alle ha siiyo Miskiin kalkaal in la balaadhyo oo la quudiyo kumanaan qoys, iyadoo qof kasta oo awooda bixinaayo bilkasta kun shillin. Kunkaa shillin oo badbaadinayaa nolosha qoysas badan oo tabaalaysan una baahan taageero iyo in la caawiyo. Miskiin kalkaal sheekh oo kawarrama saaka faa’idadiisa ayaa la wadaagay muslimiinti ku tukanayay madasha qaabka loo hirgelin karo faa’idada kun shillin oo aad bixisaa leeyahay.
Qodobka koowad ee sheekhu nala wadaagay oo ka hadlaaya mashruuc lagu taageeraayo danyarta laguna yaraynaayo saboolnimada “ Barnaamijkan marakynu hirgelino miskiin danbe ka werwerimaayo, wuxuu cuno, ka werweraimaayo waxbarasho, ka werwerimaayo hoy uu galo, ka werwerimaayo wuxuu cuno. Taasi siday ku suuro galaysa caasimadda waxa ku nool milyan iyo labba boqol oo kun oo qof, hadaynu soo ururin kalabadh oo u dhiganta lix boqol oo kun oo bixiya min kun shillin oo Soomaalilana, macnaheedu waxa weeye waa lacag ku dhaw siddeetan kun oo doolar. Mashruucaas kunka shillin ah ee aan doolar kaa doonayn ee aan lacag adag kaa doonayni wuxuu nolol u samayn doona kumanaan qoys, taageera mashruuca. Islaamku fakhriga wuu la dagaalamay ilaa uu gaadhsiiyay qof muslin oo cid wax waydiinaya in la waayo, mashruuca waxaynu ugu gargaaraynaa dadkeena jilicsan, wuxuu hirgelayaa marka aynu wadda aqbalno”
Barnaamijkaa manfaca leh ee khayriga ah haddi aynu ka qayb qaadano ummad ahaan waxa ka faa’idi doona kumanaan danyara oo ku tabaalaysan dhexdeena, ummad kastaana waxay qiimo naxariis iyo wanaag ku heshaa inta ay daryeesho danyarteeda. Qofkasta oo awooda haka fekero inu badbaadiyo nolosha miskiin oo haka qaybgalo barnaamijka qiimaha badan ee Miskiin kalkaal oo danyarta danbadani ugu jirto.
Barnaamijka labaad ee mudan xusidu wuxuu ahaa barnaamij lagu fudaydinaayo guurka qaaliyoobay, si loo yareeyo macsida sii kordhaysa maalinba maalinta ka danabys, oo ay sal u tahay guurka qaaliga ah ee kala dabray lamaanayaal badan oo heli lahaa guri xalaal oo ay unkaan, sheehku wuxu soo jeediyay fikir fudaydin kara haddi la taageero oo lagu dhaqmo.
Qodobka labbad ee uu nala wadaagay sheekhu wuxuu ku saabsana sidii loo jabin lahaa guurka qaaliyoobay ee loo dhiirigelin lahaa lamaanaha doonaya inay dhisaan guri xalaala. “ waxaanu ka bilaabnay masaajidka Xawaadle in jimcihii loo meheriyo inanka doonaya guur xalaal oo bilaa lacaga, inanku marka hore inantu la heshiinayaa, inantu markay raali ka noqoto waa inuu waalidkii u tago, waalidkiisu markuu raali ka noqodo waa inuu yimaado masaajidka maalinta jimcaha. Iyadoo saddex kun oo qof meesha joogaan inanka waligiisa iyo qof ehelkiisa ka mida, inanta waligeeda iyo qof ehelkeeda ka mida annagoo meherinayna ayaa safka hore soo fadhiisanayna. Masaajidka oo ay saddex kun oo qof ku tukanaya ayaa u ducaynaaya lamaanaha gurigooda lagu dhisay baydka Illaahay. Kharashka ay kala qaadanayaan oo aanu ugu talagalnay inanay Boqol doolar ka badan waxa is raacaya oo kala gudoomaya labada qoys intay gooni isula baxaan. Masjidku waa labba dabaqa, dabaqa sare dumarka fuulaya dabaqa hoosana ragga halkaasa loogu qabanayaa xaflad quruxbadan oo Illahay raali ka yahay. Inanka marka la galbinaayo dadka masaajidka ku xidhan nin waliba baabuurkiisa ayuu kaxaysnaya oo lagu galbinayaa arooska. Inkabadan labba boqol oo baabuur oo mutadawiciini wadato ayaa inanka lagu gelbinayaa oo inanka gurigiisa lagu gaynayaa. Ujeedada aanu ka leenahay fudaydinta guurka, madaama habluhu Soomaalilan maanta yihiin in ku dhaw 65% in lala dagaalamo macsiyada, marlabaad in taranka la kordhiyo, mar saddexaad hablaheena iyo innamadeena guurka jecel inaynu u gurmano. Hooyoyinka waxaanu ka codsanaynaynaa inay joojino kharashka aan waddo lahayn”
Maxay tahay dheefta ku jirta labadan mashruuc? Aragti ahaan sheekhu isagoo ka duulaya wayo aragnimadiisa ku aadan kaalmaynta dadka danyarta ah oo khibrad ka qaatay barnaamijkii uu hormuudka ka ahaa ee miskiin kalkaal ayuu ka fekeray balaadhinta mashruuca. Waxa lagu yarayn karaa saboolnimada baahsan ee dalkena ka jirta, waxa lagu taageeri karaa kumanaan qoys oo danyara. Waxaynu ka helayna ajar iyo khayr alle inoogu naxariisto marka aynu kaalmayno danyarta iyo masaakinta. Dhaqaale ahaan ma badna qadarka lacagta la odorosay oo ah kun shillin qofkiiba, way koobantahay markay ka baxayso jeebkaaga haddi se laysu geeyo waxay badbaadin kartaa nolosha qoysas badan oo u baahan kaalmo, guushuna waa wax isu gaygayn. Dunida waddamo ka mida waxay sameeyaan qorshe kan shabaha oo lagula dagaalmo saboolnimada, dayn kooban oo lagu kabo qoysaska saboolka ah.
Qodobka labaad oo muhiim ah waqtigan aynu taaganahay loo baahnaa ka fekerkiisa wxuu xal u noqon karaa maaraynta guurka qaaliyoobay iyo kadeedka ka haysta dhallinyarada guurdoonka ah qarashka aan xadka lahayn eek u baxa meherka. Qorshahani wuxuu fudaydin doona dhismaha qoysasbadan oo dhallinyarada, waxaan lagu yarayn karaa macsida baahsaysa ee maalinba maalinta ka danbaysa sii kobcaysa. Mashruucan guurku wuxuu dabarka ka furidoona kumanaan doob oo ku dhici la’ yagleelida qoys haddi lagu dhiirado oo la taageero.
Maxamed Sidiiq Cabdilaahi “Dhamme”