Sheekh Maxamuud Sh.C/laahi Muuse (Sh.Maxamud Xoogbadane) oo Maanta si heer qaran ah loogu aasay magaalada Borama.

Borama (SLpost)- Alle ha u naxariistee Sheekh Maxamuud Xoogbadane wuxu dhashay 1945kii, waxbarashadiiisu waxay ahayd culuunta diinta islaamka, wuxu wax kusoo bartay Dalka Ethiopia, qaabka wax uu usoo bartayna waxay ahayd sidii culimadii somalidu ay safarka ugu gali jireen waxbarashada.

Allaha Naxariistii Jano ka waraabiyee Sheekha waxaa aad looga yaqaanay Gobolada Woqooyi (Somaliland) iyo Killilka Shanaad ee Ethiopia oo uu magac iyo Karaamo badan ku lahaa, Sheekhu Wuxuu waqti badan waxbarashadii kusoo qaatay gobolka soomaalidu tagto ee Kililka shanaad gaar ahaan qabridahar, dhagax buur, jijiga iyo Herer.

Sheekhu markii dambe wuxuu can ku noqday magaca sheikh Sarfiile oo kayimd Cilmiga (Sarfiga) oo uu aqoon dheeraad ah u lahaa, waxa kale oo uu sheikh can ku ahaa cilmu Carabiga sida Naxwaha, Balaaqada iyo Funuunta Carabiga oo dhan.

Sheekhu wuxu kaalin libaaxleh ka qaatay waqtigii nabadaynta Somaliland, oo uu ka mid ahaa Sheekhyadii iyo Odayadii la shaqeeyay Madaxwaynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal.

Sanadihii u dambeeyay waxa uu sheikh Maxamuud ku qaatay Gurigiisa oo uu cibaado, Quraan akhris, iyo Dikri ku hayay, Sheekhu waxa uu geeriyooday 28-June 2012, waxana Maanta oo ah 29-June 2012 si wayn loogu aasay magaalada Borama.