Sheekh Dirir: Nuurkii Iftiimayay ee Laga Haqab-Beelay

Sida Ilaahay (SWT) Qur’aanka ku caddeeyey, Bini-aadamka wax kale looma abuurin ilaa inay caabudaan Ilaahay mooyaane. Si cibaadada Rabbi loo guto, inoogana ansaxdo waxay u baahan tahay in la barto dadkana la baro.

Ilaahay-baa mahad leh, waxaynu nahay bulsho 100% Muslim ah, Diintana waxa ina soo gaadhsiiyey dad culimo ah, oo maalkooda, wakhtigooda iyo naftoodaba ku bixiyey sidii aynu u heli lahayn nimcadda Rabbi ee Islaamnimada.

Ku-dhaqanka iyo barashada Diinta Islaamkuna waxay sahashaa ama muslimiinta u horseedaa, inay ku noolaadaan xasilooni, cisi iyo barwaaqo.  Tusaale ahaan marka dagaalo dhacaan, ee magaalooyinka laga qaxo ee bur-bur wayni ku dhaco, waxaa laga

siman yahay marka ay dagaaladu dhammaadaan, ee laga raysto, ee dib loogu soo noqdo magaalooyinkii waxaa dadwaynaha ku yimaadda xaalado qalafsan, oo ay ka mid yihiin dareen-maskaxeed, oo mudo ay ka soo kaban waayaan..

Taasina waxay keentaa xanuuno laysla yaqaano oo hagardaamooyin ku soo kordhisa bulshada waxanay ku qaadataa mudo dib- u- yagleelidii danbe, iyadoo wakhti badan iyo dadaal badan ay qaadato.

Bulshadaas dagaaladu aafeeyaan, hadii la dulmiyayo Alle wuu u sahlaa, wuuna u gar- gaaraa xaaladahaas ay ku jiraan. Qaddiyadaa amni-darro, ee aynu soo qaadnay haddii aynu u soo qaadano dagaaladii ay dadka reer Somaliland kula dagaalameen Kali-taliyihii Siyaad Barre iyo dowladdiisii, waxaad arkaysay in Ilaahay inoo gargaaray,  markii laga guulaystay taliskaana waxaynu helnay xasilooni iyo nidaam dowladeed iyo bulsho isku calool-fayow, oo gacmaha is-haysta kuna kalsoon dalkooda iyo dadkooda. Arrintaasina waxa sabab u ahayd, oo qeyb-weyn ka qaadatay maadaama aynu ahayn dad Muslimiin ah, culimaddii waddanka joogtay, oo aad u dedaalay, Madax-dhaqameedkii iyo dadka reer Somaliland oo isku duuban duuban si fiicanna isku maqlay.  Mid dibada iyo mid gudaha joogaba iyadoo gacmaha lays qabsaday oo loo guntaday dib u dhiskii dalka.

Waxyaalaha ugu waa-weyn, ee aynu xasiloonida ku helnay waxa ka mid ahayd, in dadka aqoonta u leh Diinteenna u dhago-nuglaanno,  oo aynu ka faa’iidaysano barashada Diinta .

Haddaba culimadii hormoodka ahayd, ee si fiican uga qeyb-qaatay xasiloonida iyo ku dhaqanka Diinta Islaamka waxa ka mid ahaa Sheekh Maxamed Cumar Dirir, isagoo Sheekhaasi bulshada dhexdeeda noqday nuur iftiimaya, oo Alle ku manaystay karaamo badan, waxaana marag-ma-doon ah, in Sheekh Dirir iyo culimada kalebe si fiican inooga haqab tireen cilmigii Alle ku mannaystay.

Sidaa daraadeed ummadda Somaliland iyo muslimiin badaniba waxay Sheekh Dirir abaal wayn ugu haysaa dedaalkiisa fidinta cilmiga rasmiga ah, ee barashada Diinta Islaamka.

Hadda anigoo waday qoraalkii taxanaha ahaa,  ee aan ugu magac daray ‘ubaxii Ka baxay Maskaxihii Qaaliga ahaa’ ee aan Kasoo qaatay Barnaajimkii ‘Qiimee qofkaaga ahaa’  ee aan sanadkan horaantiisii aan horseeday.

Sh.Maxamed-na wuxuu noqday qofkii labaad ee Liiskaa ku soo baxay, ee wadankeenna ugu caansanaa looguna jeclaa,  maadaama uu Sheekhu inaga taagan yahay Maqaam-sare aniguna aan ka mid ahay dadkii badnaa  ee ka bartay tafsiirka Qur’aanka  Kariimka,  sidaa daraadeed waxaan doortay in aan maqalkan  ka qoro oo dadkeena uga iftiimiyo noloshiisa, isagoo sheekhu iga codsanin ama iga dalbanin qoraalkan.

Somaliduna marka la dhinto uun baa lays amaanaa, markaa waxa aan wax yar ka soo qaadan doonaa dhaqankiisa, dabeecadiisa, kartidiisa iyo wanaagiisa:

  1. Sh.Maxamed Sh.Cumar Dirir Waxaa uu leeyahay Mucjisooyin cajiib qaba, oo ay ugu horrayso in cilmiga Diinta isagu  uu is baray,  kadib marki uu da’daal xoog leh la yimid
  2. Aabbihii wuxuu ka dhigi jiray  Culuumta diinta iyo tafsiirka Quraanka masjidka Cali Mataan loo yaqaan  aakhirkii 50-tomeeyadii.
  3. Waxaa uu sheekhu isaga iyo culimadii kale ka shaqeeyeen wadanka markii la soo galay, halkay Somali u jabtay oo ay sameeyeen Maxkamad Islami ah, oo shaqaynaysa dadkana kala saarta,  Hawshaasna si hufan u fulisa qaybahanna u sii kala baxda:

ü  Xagga Shareecada

ü  Talo-siinta

ü  Maslaxad dadka dhexdiisa ah

ü  Fatwo aad dadkeenu ugu reeyeen aadna ugu baahnaayeen.

  1. Waa nin aan dheernayn, gaabnayna.
  2. Waa nin inta badan qaata Khamiis, Koofiyad iyo kabo sandhal ah.
  3. Waa nin wajigiisu mar walba nuur ka iftiimayo, oo uu marku lugaynayo miyir u socda.
  4. Intuu socdo magaalada dhexdeeda waxaa lagu boobaa Salaan, Kalgacayl ku jiro, 5-ta qof ee Salaantaba 3 ama 2 ayaa waydiiya Su’aalo xaga diinta ah, oo ay dadku tabanayeen, wuxuu ka jawaabi karana halkaasuu kaga jawaaba wixi kalana wuu la balamaa,  24-ka saac ee maalintii markii aan la socday,  oo aan indho indhaynaayay noloshiisa, waa nin saacad kaliyi aanay dhulka uga dhicin marwalbana wuxuu ku mashqulsanyahay sidii uu diinta uga shaqayn lahaa hawlaha uu qabtana waxaa kamid ah.

ü  Diyaarinta Duruusta.

ü  Mar uu Maxkamada Islamiga ga ah uu fadhiyo.

ü  Mar uu TV-ga iyo Radio-ga uu ka wacdinaayo ummada, iyadoo Halkaas su’aalo diini ah lagaga waydiinayo.

ü  Mar uu Tafsiir akhriyaayo.

ü  Mar uu Khudbadda Jimcaha akhriyaayo.

ü  Mar uu akhrinayo qoraalada arrimaha diinta khuseeya ee ku qoran luuqadaha kale.

ü  Iyo Mar uu tujinaayo iidaha.

ü  Waa nin kasbaday Ixtiraam, oo cisina kuleh dadkiisa.

ü  Waa nin haya wado toos ah, oo Alleh ku ogyahay.

ü  Waa nin inta badan ku carrabkiisu ku hawlan yahay dikri iyo istiqfaar.

ü  Waa Sheekh aan ku jirin garabaysiga,iyo fariiqyada diinta loo kala saaray.

ü  Waa sheikh Alleh ku manaystay Aftahanimo iyo faseexad la yaab leh.

ü  Waa nin Alle ka dheereeyey Istusnimada, qabyaaladda, ku raadinta diinta xoolo adduun, isagoo sheekhu wax lacag ah aan ka qaadin shaqoyinka diinta ee uu hayo, isagoo nolol maal-meedkiisa uu maxkamadda islaamka uu xubin ka yahay badankana ku xidhan.

ü  Sheekhu wuxuu ka qayb -aataa Hawlaha danta guud, isagoo hawshaa u jajaban.

ü  Sheekh Maxamed ma yaqaanno ta ina dishay ee nin jeclaysiga ah.

ü  Sheekhu waxaa uu dibadda u tagaa una xaytaa, Safaro dadka qurbajoogu ay ku casuumaan,  oo ay uga faa’iidaystaan waxay uga baahan yihiin iftiiminta xaga diinta.

ü  Waa Sheekh aad uga hadla xuquuqda dumarka ama hooyada.

ü  Dadka Afsoomaa-liga ku hadloo dhan wacyi alintiisa meelkasta, oo ay joogaanba waxay ka helayaan canjalado CD –yo ah,  oo uu duubay.

ü  Sheekhu wuxuu Isticmaalaa Internet- ka,  si uu uga jawaabo su’aalaha.

ü  Sheekh Maxamed waa nin waji furan, oo soo dhawayn Fiican.

ü  Sheekhu waa ma-daale u xaytay shaqadaa uu dadka u hayo.

ü  1986 laydiray dalka Pakistan Culuum ku lug leh Modren Banking ka.

ü  Nin aad u taxadir badan,  oo marka uu diinta wax ka sheegaayo  u sheega siday tahay, oo aan cidna uga haybadaysan

ü  Laguma arag lagumana maqal sheekha arrin foolxumo ah, markuu akhriyaayo wacdiga iyo tafsiirka wuxuu cuskadaa isagoo meel dheer ka doonayn, xadiisyo aayado Qur’aan ah siiradii  Asxaabta.

ü  Waxaa uu Jaraa’idada ku qoraa xaaladaha wadanka ka jira iyo wadamada muslimka ah, isagoo iftiiminaaya qodobadaas.

ü  Wuxuu ka soo jeedaa qoys Muxtarim ah xaga diinta.

ü  Sheekhu wuxuu balo ku dhigay Naxwaha iyo Tajwiidka.

ü  Malaha Hagardaamo iyo luggooyo.

ü  Wuxuu aqoon u leeyahay diimaha kale iyo dhaqamada kale.

ü  Wuxuu Cisi iyo sharaf ku leeyahay shaqadiisa.

ü  Wuxuu ku sifoobay Akhlaaqdii iyo asluubtii nabigena  Nabi Maxamed (C.S.W)

ü  Waxaa uu dhigaa Axkaamta Aas-aasiga u ah diinta Islaamka.

ü  Waxaa lagu yaqaanaa Wax Alleh Raali ka yahay.

ü  Nin Garbiya dadka Danyarta ah ee jilicsan maaha laakiin wuu saacidaa.

ü  Nin ka waabta xaqa iyo Tusaalooyika diinta Maaha.

ü  Waxaa uu ka reeban yahay Halkay Somali u jabtay oo ah balan-xumada

ü  Waxaa dusha ka saaran Culays badan oo hagardaamo ku jirn.

ü  Waa nin xaaladaha hoose ee bulshadena aad ula socda.

ü  Waa sheikh ku caan baxay joogtaynta duruusta,  oo aan dib u dhac lahayn.

ü  Wuxuu ka badbaaday sheekhu in lays dhex- galiyo Hawsha diinteena iyo danaha gaarka ah.

ü  Wuxuu aamin sanyahay qofka dadka u shaqeeya in uu Alle qiimeeyo, oo uu arimihiisa fududeeyo.

ü  Wuxuu siyaartaa oo uu u duceeyaa kuwa inaga mid ah, ee xanuusanaya

ü  Wuxuu dad badan kala taliyaa bixinta Sakada iyo Sama-falka gudo iyo dibad ba.

ü  Wuxuu ka qayb- galaa Martiqaadyo loo fidiyo Shirarka Islamka ee aduunka,

ü  Aaska marka ay dadku geeriyoodaan, wuxuu jeediyaa hadalo sagootis ah iyo wacdi wax ku qaadasho ah

ü  Wuxuu Sameeya Maxaadaroyin qiima wayn ku leh bulshada.

ü  Da’diis oo u saamaxaysa in jiilka waa- wayna la jaanqaado jiilka yar yarna la jaan qaado, ayaa u fududaysay fidinta Diinta iyo barashadeeda.

ü  Sheekha oo nin hadal badan aan ahayn, wuxuu ku hadlaa luqadda English-ka iyo Carabiga.

ü  Had iyo jeer sheekha waa la soo xigtaa marka ay dadku wada hadlayaan ama wax iska waydiinayaan arrimaha diinta islaamka.

ü  Sheekhu wuxuu ku jiraa wadaadada loo aqoonsaday sheekhyada waa-weyn ee Somalida.

ü  Sheekhu wuxuu haystaa shahaadada Mastar-ta, wuxuuna ku takhasusay culuumta Diiniga ah iyo Af Carabiga.

Kartidiisa iyo Adkaysigiisa

  1. Waxa Lagu casuumaa xaflado badan, oo wakhtigiisa ka gu’i karaynin.
  2. Sheekhu wax fasax ah ma qaato.
  3. Qof walba wuxuu doonayaa sida uu wax u waydiinayo in uu uga jawaabo.
  4. Dhismaha jidhkiisa haddaad eegto waa nin dhererka dhexdhexaad ah, xoog fiicanna uu ka muuqdo.

 

Waxaan ku soo gabagabaynayaa dad badanina igu raacsan yihiin,  in uu Sheekhu bulshadeena gaadhsiiyay Diinta Islaamka sidii looga baahnaa, lehna ku dayasho.

Wuxuu Alleh siiyay haybad iyo Karaamo lagu aamini karo, xilalka sar-sare looguna yeedhi karo hadii uu raali ka yahay.

Waxaan Ilaahay uga baryaynaa Sheekha,  in uu Naxariistiisa  Alleh u balaadhiyo, oo uu xifdiyo, Ilaahayna Janada isku kaaya tuso.

Waxaan ku faraxsanahay inaan ahay qofkii ugu horreeyey ee wax ka qora sheekha inta aan ogahay, waxa aanan jeclaan lahaa inaan buug ka qoro.

Wabillaahi Tawfiiq

W/Q: Rashiid Sulub Caalin Tel:0634426781Email: fatxisulub@gmail.com

 

W/Q: Rashiid Sulub Caalin Tel:0634426781Email: fatxisulub@gmail.com