Sheekh Dirir “Hadii keliya la eego koriinkooda iyo dhergintooda, laakiin loo sixi waayo cilmiga iyo caqiidada, ubadku way ka dhacayaan nolosha..”

Furiinka waalidka waa sababaha keena in ubadku qaloocsamaan, waayo cidda ugu horeysa ee dhibaatadu ka soo gaadhayso waa ubadka..” Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir

Qeybtii Labaad ee khudbadii muhiimada Tarbiyada Ubadka

Hargeysa(SLpost)- Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir ayaa waalidiinta ugu baaqay inaanay marwalba ubadkooda inuu wanaag sameeyo ka mallayn, taasoo hadii ubadku ogaado kalsoonida lagu qabo, uu waxuu doono samayn karo, habba xumaadeena.

Sheekh Maxamed oo khudbadii Jimcaha ee doraad ku soo qaatay muhiimada in ubadka lagu koriyo akhlaaqiyaadka diinta islaamka, ayaa sheegay in sharciga islaamku jideeyey in la edbin karo ilmaha aqbali waayo waanooyinka waalidkii.

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey qodobada muhiim ka dhigaya in ubadka yaryar la tarbiyeeyo ayaa yidhi hadii caruurtu waxba ku qaadan waayaan waanooyinka iyo wax-sheega waalidkooda, waxuu sharcigu fasaxayaa in la edbin karo, waxaanu yidhi,

“Hadii ilmahu ka dhega-adaygu waanooyinka iyo wax-sheega waalidkii sharcigu waxuu jideeyey in la edbin karo, sida Nebigu CSW inoogu sheegayo in lagu garaaco salaada, haduu ka tago, marka da’doodu gaadho 10 jir, garaacaasina shuruudo ayuu leeyahay, oo qofka waa inaanad ka aargoosi u garaacay ee toosin aad ku edbinaysid yahay, garaacaasi waa inaanu badan, aanu laf-jebinayn.

Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa sheegay, haddaynu soo aragnay muhiimada mowduucan tarbiyadu u leeyahay ubadka iyo waxa muhiim ka dhigaya, waxa sidoo kale jira sababo keena in caruurtu qaloocsamaan, isagoo ka hadlayana waxuu yidhi,

 “Sababaha keena in ubadku qaloocsamaan, waxa ka mid ah inuu waayo tarbiyad. hadii keliya la eego koriinkooda iyo dhergintooda, laakiin loo sixi waayo cilmigaiyo caqiidada, ubadku way ka dhacayaan nolosha.

Sababaha keena in ubadku qaloocdaan waxa ka mid ah marka labada waalid dagaal iyo jaafa-jiriq ku jiraan, dawladaha yaryar waad ogtihiinoo, hadii laba dawladood oo waaweyn oo is-khilaafsan jiraan way ka faa’iidaystaan, laakiin hadii ay heshiis yihiin dawladihii waaweynaa, sida wakhtigan aynu joogno dunnidu tahee, dawladihii yaryaraa waa laga adkaaday, markaa, hadii labada waalid ubadka u heshiis yihiin, oo dhinac u wada socdaan murana dhexdooda jirin, caruurtu wadadda saxda way qabsan karaan, laakiin, hadii kale aabe ayaa yidhi, iyo hooyo ayaa diiday ayey ku dhex-halaabayaan.

Waxa ka mid ah sababaha keena in ubadku qaloocsamaan, furiinka labada waalid. Islaamku wuu dhiiriyaa guurka, laakiin marka furiin yimaado, cidda ugu horeysa ee dhibaatadu ka soo gaadhayso waa ubadka. Inan hooyadii la furay iyo gabadh hooyadeed la furay cuqdad ayey qaadayaan, waxaana laga yaaba inay khadka ka lumaan.

Waxa ka mid ah saaxiibada caruurtu leedahay, hadday yihiin qaar xun-xun, casharada waxay caruurtu uga qaataan kuwa kale, si aanay waalidka iyo macalimiinta uga qaadan, waa da’yar si fiican wax isku fahamsiiya, markaa hadaad u ilaalin weydo ubadka saaxiibka oo mid wanaagsan la ogaan weydo, wakhti yar ayey ku lumayaan.

In waalidku noqdo mid macaan oo ubadku muudsan karo, markuu yaryahay wuu ooyayaa, waxuu doonaa lagu aamusiinayaa, markuu weynaado wiil iyo gabadhna, mobile ii iibi, waayahay, gaari ii iibi, labiskan ii iibi, waayahay, wuu wadayaa ila auu waalidka wada muudsado oo jar ka tuuro, waxa sidoo kale ka mid ah taa caksigeeda in waalidku ku adadkaado ubadka, oon waxba siinayn waxuu ka dalbado, oo markuu khaldamo gacan saaraya, iyana dhibkeeda ayey leedahay, ilmahii qof soo koraya oo caqligiisu aanu ku filayn weeye, boqolkiiba 80 haduu saxan yahay, labaatanka hadhay waa loo dulqaadanayaa.

 Sababaha lumiya ubadka waxa ka mid ah in waalidku ilmahiisa wax wanaagsan mar walba ka maleeyo, hadii laga soo ashkatoodo, waxuu odhanayaa, yaad sheegaysaa! Ilmahaygu masaajidka kama baxo, waa mid wanaagsan, guriga, masaajidka iyo iskuulka ma dhaafo. Wuu amaanayaa ilmahii, markuu ubadku ogaado kalsoonida buuxda ee waalidkii ku qabo, dhinaca kale ayuu ugu rogayaa. Sidoo kale hadii mar walba ubadka xumaan waalidku ka meelyo inuu sameeyo, oo shay wanaagsanba aanu aqoon way lumisaa ubadka. Dhamaad.
Xigasho Himilo