Sheekh Barbaraawi oo Naqdiyey Qaabka ay isku casilleen Wasiiradii Shaqada ka Tagay, Saxaafadana Dardaaran u Jeediyay

 

Hargeysa(SLpost)- Sheekh Cabdilaahi Xasan Xaashi “Barbaraawi” oo ka mid ah culimada Somaliland, horena aan looga baran ka hadalka  arrimaha siyaasadda ayaa markii u horaysay six xeel dheer uga hadlay iscasilaadii wasiiradda iyo cawaaqibka ka dhalanaya haddii la majaro habaabiyo masuuliyadda bulshada loo hayo.

 

Khudbad dheer oo uu arrintaasi ku lafo guray ayuu sheekhu ku sheegay in wasiiradii iscasilay baal mareen nidaamka iscasilaadda ee waafaqsan shareecada islaamka, islamarkaana ku haboon masuuliyadda ay bulshada u hayeen. Waxa naqdiyay siday iscasilaadooda saxaafadda u mariyeen.

 

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dad badan oo aan looga qaateen ahayn ama aan ku haboonayn warfaafintu hadda wararka tabiyaan. Wuxuu saxaafadda ugu baaqay inay xaqiiqada gudbiyaan, mar walbana maanka ku hayaan in Alle ka dambeeyo, waxaanu faray in wararka la iska hubiyo.

 

Halkan Hoose Ka Daalaco Khudbaddaas Sheekh Barbaraawi oo Muuqaal ah:

 

 

Somalilandpost, Hargeysa Office.