Sheekh Aadan-Siiro oo ka deyriyey Nidaam Isku-dul-noolaansho iyo Dabaqado regaadiyey Heerarka Nololeedka ee Shacabka Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro) oo ka mid ah culimada waaweyn oo Caasimadda Hargeysa, ayaa deyro ka muujiyey isbeddel ballaadhan oo soo waajahay heerka nololeed ee magaalada Hargeysa iyo dabaqado heer-nololeedkoodu kala sarreeyo oo uu sheegay inay markii u horeysay ka samaysmeen magaalada Hargeysa.

Sheekh Aadan Siiro waxa uu sheegay in dadka qaarna gaajo darteed noloshoodu xidhiidhi ku jiro, qaar kalena ay si badheedh ah u boobayaan hantidii umadda ka dhaxayso oo aanay ka war-haynin danyarta ku nool xaafadahooda, isagoo tusaale u soo qaatay Gabadh uu sheegay inay iyada Shan Carrruur ah oo ay dhashay ugu tageen Masaajidka uu Khaddiibka ka yahay una bandhigtay baahida haysata ubadkeeda. Oo ay sheegtay inaanay maalmo Dab-u-shidin.

Sheekh-Aadan-SiiroSh. Aadan-Siiro oo maan khudbad dhinacyo badan tabanaysa ka jeediyey Salaaddii Cidal-Adxada oo uu boqolaal qof oo ku tukanayey Garoonka Xawaadle ee magaalada Hargeysa kala qayb-galay, waxa kale oo uu ka hadlay Caddaaladda, Sinnaanta iyo wax-wada-lahaanshaha horumarka dal iyo Bulshadiisu ku gaadhi karaan iyo la’aantoodu dib-u-dhaca iyo burburka ay horseedi karaan, taasoo uu talooyin uga soo jeediyey Masuuliyiinta dawladda, Madaxda Dhaqanka, Culimada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Halkan KA Daawo Khudbadda Sheekha