Sheekh Aadan Siiro Oo Abaalmarino Siiyay 30 Dhalinyaro ah Oo Kaalmaha Hore Ka Galay Tartankii Barashada Taariikhda Islaamka.

Hargeysa (SLpost)- Waxa  abaalmarino lacageed  shalay la guddoonsiyay  30 arday  oo ka qaybgalay tartan aqooneed  Diini ah oo  toddobaadkan lagu  soo gabagabeeyay Maasjidka Quba ee Magaalada Hargeysa.

Tartanka    dhalinyaradan    oo muddo casharo ku saabsan barashada Taariikhda Islaamka  ku baranaysay Masaajidkaas, waxa   daruustiisa bixinayay Sheekh Maxamuud ( Aadan Siiro) oo sannadkasta  bisha  Ramadaan  casharada ka bilaabay  Masaajidka Quba.

Waxaana uu Sheekhu abaamarino lacageed guddoonsiiyay 30 dhalinyaro ah,iyada oo tiradu ay  sannadkan ka badan tahay tii sannadihii hore oo ahayd 20 qof, waxaana     taasi sabab u noqotay  dhalinyarada  oo doonaya in  ay kor u qaadaan fahamka  Diinta iyo barashada taariikhda Islaamka

 “ Ujeeda aynu ka leenahay hore yaynu u tilmaanay midi waa  in aynu  ku noolayno  dadkii wanaagsanaa  ee saalixiinta ahaa ee Ilaahay  Qur’aanka ku sheegay . dadkaa Ilaahay Qur’aanka ku sheegay  ee la leeyahay  Ilaahay raali buu ka noqday  iyagun raali bay ka noqdeen  in aynu noolayno noloshoodii  oo aynu ku dayano  iyo in aynu  Ramadaanta  ictikaaf  ku noolayno  yay muhimadu ahayd , jaa’isadan waa wax kooban oo aynu ugu talagalnay oo xaqal ciidka uun ah “ ayuu yidhi Sheekh Aadan

 Waxa  kaalimaha  hore  ka  galay  tartankii  Siirada  .

1-      Cabdiwaaxid Cumar Sheekh Mubaarak  oo helay dhibco dhan %91., waxa uu helay lacag dhan 600,000  SL SH

2-      Axmed –Daahir Ibraahim Cali   oo keenay  dhibco ah %90, waxaana uu qaatay 500. 000 SL SH.

3-      Cabdixakiim Daa’uud Ciise  waxa uu keenay  dhico %89 waxa  uu qaatay lacag dhan  400,000.

 Waxa kale oo iyana  lacagta abaalmarinta qaatay 27 qof oo kale.

SOMALILANDPOST.NET

Hargeysa, Somaliland