Sheekh Aadan Siiro oo Abaalmarin Gudoonsiiyey Wiil Yar oo Agoon ah oo Masaajidka Xawaadle Xoogiisa ku Caawiya, Kana Hadlay Arrimo Dalka ka Jira.

Hargeysa (SLpost)- Khadiibka Masjudul-Qubaa (Xawaadle) ee magaalada Hargeysa Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey ( Siiro) ayaa Shalay Abaal marin guddoonsiiyey Mustafe Naasir Ibraahim oo ah wiil agoon ah oo isu xilqaamay inuu u khidmeeyo Masaajiskaas iyada oo aan cidina diran. Sheekh Aadan oo Khudbadii saalada jimce ee shalay kadib Masaasjidkaas ku gudoonsiiyey wiilkan yar abaal marin lacag ah, waxaa uu ka warramay shakhsiyadda wiilkan yar iyo tarbiyaddiisa oo uu sheegay in ay yar yihiin  qayrkiisa la midka ahi. Waxaana uu ku sifeeyey in waalidkii oo midkood mootan yahay [Aabihii] ay ayaan badan yihiin isla markaana ducada uu u soo duceeyo ay heli doonaan.

Markii salaada jimcaha laga baxay waxa sheekhu abaalmarinta lacageed guddoonsiiyey wiilkan yar, kaasi oo uu ku mutaystay is xilqaanka, waxaana ku tilmaamay in ay dhif tahay kuwa qayrkii ah ee la midka waxaana uu yidhi “ Ayaankaas yaa heli kara, ilmo kaa dembeeya oo   agoon ah oo waalidkii u soo duceeya” sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadam oo tilmaamo ka bixinaya shakhsiyada wiilkan yar, waxaana uu intaa ku daray “ waxa jira kuwo soddon jirro ah oo waalidkood habeenkii ka werwerayo inuu soo hoyday iyo in kale, kanina (wiilka yar) masaajidka ayuu had iyo jeer joogaa oo uu u adeegaa, annaga oo aan odhanin kaalay oo sanduuqa qaad oo lacagta sadaqada dadka kasoo uruuri laakiin isaga ayaa is xilqaamay”.  Intaa kadib waxa uu sheekhu halkaas kaga dhawaaqay abaalmarin uu masaajidku guddoonsiin doono wiilkan yare e agoonka ah ee magaciisa la yidhaahdo Mustafe Naasir Ibraahim, waxaana markii laga baxay salaadii jimcaha uu sheekha iyo wiilkan agoonka ah oo barbar taagani halkaa kaga dhawaaqay lacag abaal marin ah,    “inkastoo aanaan lacag buuran siinayn, haddana maanta waxaanu guddoonsiin doonaa boqol dollar ilaahay cimrigiisa ha barakeeyee”

 

Sheekh Aadan waxa kale oo khudbadiisii salaaadda jimcaha uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo dalka ka jira kuwaas oo ay ka mid yihiin shakhsiyaad uu sheegay inay dillaaliin yihiin oo ay macaash ka dhex raadiyaan hantida ummada. Qoddobka muhiimmaddiisa lahaa ee kamid ahaa khudbadda sheekha oo aanu halkan idinkusoo gudbinayno waxaa uu ku yidhi “Dalka waxa ka jira niman dillaaliin ah oo maamullada ku xidhan, oo ganacsatada ku xidhan oo dadka danaha gaarka ah dalka ku leh ku xidhan” sidaa ayuu sheikh Aadan yidhi waxaana uu intaa ku daray isaga oo faahfaahinaya shakhsiyaadkan uu sheegay iyo astaamahoodu “Waa maxay wejiyada ay dadkaasi isticmaalaan?. Waxa ay isticmaalaan in ay reebaan inanka [derejada] A-da ku gudbay imtixaanaadka ee jaamacadaha iyo dugsiyada sare ka soo baxay. Waxa ay reebaan qof kasta oo hal abuur [creative] leh oo illaahay hibo u siiyey ay meesha ka saaraan. Shaqadooduna waxa ay tahay in ay qofkaas qof kale ku beddelaan oo ay halkaas macaash ka raadiyaan, waana qaar hantida ummada ku mamay oo talada dalkana wax ku leh oo mushahar badan u xaadira”.