Sheekh Aadan Siiro Muxuu ka Yidhi Iscasillaadda iyo Khilaafka Cusub ee Kulmiye?

Hargeysa (SLpost)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan Siiro), oo ka mid ah Culimada dalka ugu waaweyn, ayaa ka hadlay khilaafka cusub ee ka dhex qarxay Xisbigia Kulmiye, ee sababtay in masuuliyiin ka mid ah Wasiiradu is casilaan, waxaanu ka digay in khilaafkaasi sii socdo.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan Siiro),oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxa uu baaq u diray Bulshada, “Si kooban haddii aan uga hadlo xaalada maanta ka jirta Jamhuuriyada Somaliland ee Siyaasadeed, in badan waxa aanu ku dadaalnaa in wareega Jimcaha ka hadalo si kooban wixii dadka diintooda, dadnimadooda horumarkooda iyo khayrkooda ka shaqaynaya, laakiin maanta duruufta ayaa keentay in aan laba kalmadood oo koob kooban ka idhaahdo xaalada uu maanta dalku uu galay, midi waxa weeye xaalada uu Kulmiye galay, oo runtii maanta ah Xisbigii Dawladda iyo dalka hogaaminayey, UDUB weynu ogayn intii aanay dawladdani haynin waxa uu ahaa Xisbigii ugu balaadhnaa ee ugu tirada badnaa Somaliland, isla markaas wakhtigii uu burburayey Somaliland oo dhan koone ilaa koone Barri iyo Galbeed ugu tirada badnaa xubnaha uu lahaa Xisbigii UDUB, laakiin si yar oo fudud ayuu u burburay, laakiin dhib badan inagumuu keenin oo markaas dawlaldnimada muu haynin, Kulmiye se burburkiisu waxa uu sameeyn weyn  ku yeelanaya Umadda, Dhaqaalaha, Siyaasada iyo Amniga dalka haddii uu burburo, inta uu taladda dalka hayo, waayo khayraaadkii dalka oo dhan iyaga ayaa ka masuul ah, lacagta maanta bangiga dhexe taala waa dhawr iyo sodon milyan Somaliland iyo Dollarba.

Hantidii ay Somaliland lahayd oo ay Umaddu Labatan Sanno ku soo dagaalamaysay, Xisbiga Kulmiye ayaa gacanta ku haya, burburka Kulmiye ku yimadaana waxa uu keenayaa burbur ku yimaada waxyaabihii sharciga ahaa ee ay umaddani lahayd, ee lagu bixiyey cashuurta, islaanta yar ee tamaandhada iibinaysa ee agoonta haysta ee Ninkii dalka u soo dagaalamay  ee  ugu khayrka badnaa, Raggii ugu wanaagsanaa ay ka dhinteen Carruurtaas ee lagu masruufo, ILLAAHAY waxa aanu ka baryeynaa in aanu inagu burburin”.

Sheekh Aadan Siiro ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxa aan qabaa anigu koox kooban oo aan is leeyahay qandaraas ayey shaydaan ka sitaan, ama  qandaraas ayey ka sitaan qaar Somaliland neceb, ama qandaraas ayey ka sitaan cid aan wanaaga ogelayn, inay sabab u tahay, oo waliba awooda maanta dalka jira wax ka haysa, ayaan is leeyahay marka aan aqoontayda ururiyo iyo intii aan Somaliland dhex taagnaa, oo aanu is bedelo badan akhriyeyna ee aanu soo taagnayn, ayaa  sababta kowaad leh, kitaabka iyo sunaha cidi ka maarmi mayso waa  in sidooda loo raacaa, laakiin masaladaha casriga ee durufuuha jira ku saabsan wada tashi baa lagu xaliyaa, culumadu waxa ay ku tilmaameen dadku arimaha ay isku qabtaan ee ka mid ah arimaha ijijaahiga  ee bina’aadanku ka ijtihaado, Toban Nin oo Indho la’ ayaa maroodi haystay dhakada la weydiiyey Maroodiga, markaas ayuu yidhi Maroodigu waa Dhul balaadhan, kii dhegta haystay wuxuu yidhi waa Masaf, kii lugta haystayna waxa uu yidhi Maroodigu waa jirid, markaas nin walba meel ayuu haystaa  waana uu indho la’ yahay, haddii la waayo wax ka dhexeeyo oo yidhaahda waar adigu lugtii baad haysataa, adiguna dhegtii baad haysata, adiguna dhakadii baad haysataa, Maroodigu wuu ka badan yahay intaas, ee intaas aynu isku geeyno taasna waa waxan  ay dadku sameeysteen ay ka mid tahay Kulmiye in koox doonaysa inay qabsato kooxi si aan sharci ahayn u doonayso inay dhinaca uga rarto, oo sharciyadii la doonayo in laga tago oo xeer jajab in lagu wado,waxa aanu doonaynaa inay ku kala baxaan dastuurka u yaala maanta, dastuurku ma waxa uu leeyahay qof ha loo xidho, dastuurku ma waxa uu leeyahay qof walba wax buu dooran karaa, waana la dooran karaa, dastuurku ma waxa uu leeyahay beel buu u xidhan yahay, dastuurku ma waxa uu leeyahay gobol buu xidhan yahay, ha la isla eego, qof haddii uu keeno wax ka baxsan wixii uu heshiisku lahaa ha la yidhaahdo ka da’aa, haddii uu ku socdana ha la yidhaahdo ku soco, taasna waxa ay tahay in dadka sharci yaqaanka ah ee u dhuun daloola inay sharaxaan, muxuu Kulmiye ku heshiiyey ee uga yaala Doorashada.”

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu yidhi “Anigu waxa aan aad u taageersan ahay in cid walba oo xad gudbaysa in la joojiyo, awood kasta oo uu leeyahay, laakiin sida loo joojinayaana aanay noqon si dalka wax yeesha,sida loo joojinayaa aanay noqon si masaakiinta maalintii masaariifta u soo kalahaysa wax yeelin, oo aanay noqon laba maroodi oo waaweyn oo is hirdiyey oo maatidii ku dhex dhimatay, laakiin lagu joojiyo hab caqli iyo xigmadi ku saleeysan tahay, oo amnigeenii iyo qaranimadeeni waxba yeelin, laakiin qofka ka dheeraynaya ee doonaya in dalka la dumiyo in la joojiyo, in la joojiyo waa muhiim, Rasuulkuna (SCW), waxa uu yidhi qofka  idinka mid ah ee xumaan arkaa gacanta  ha ku qabto, waa Dawladda, qofka idinka idinka mid ah ee taas awoodi waaya carabka ha kaga qabto, ha yidhaahdo waar ha laga joogo, qofka idinka idinka mid ah ee labadaas awoodi waaya qalbiga ha ka naco, culimadu waxa ay tidhaahda marka ay qalbiga ku gaadho xabad heeda in leeg oo imaan ah oo kugu hadhay ma jirto, culimada qaarna waxa ay yidhaahdan qofku waa inuu meesha dhacdadaasi ka dhacayso iskaga tagaa, kol haddii aanu hadli karina, marka waxa aan runtii ku waaninaynaa dadka nocaas ah, oo aan is leeyahay ama shaydaan ayey qandaraas ka soo qaateen ama dad Somaliland lid ku ah ayey qandaraas ka soo qaateen, waar ILLAAHAY kaga yaaba umadda, waad ogtihiin duniadan Rag milyaniska dilay ayaa  iskaga tagay oo ay ka mid ahayeen Qaruun, Namruud,  Fircoon, Raggii magacyada lahaa ee umaddihii hore iyo kuwa maanta jooga intiiba wey ka tageen”.

Sheekh Aadan Siiro ayaa mar uu ka hadlayey sida uu arko Wasiiradii is casilay ayaa yidhi “Anagu ma taageersanin Xisbi ama Maamul dhinac ka raran, oo runtii wax juujuubaya, caqli iyo sharciba dalkani kuma dhismayo, cadaalad shay ku sugana maaha, Raggii is casilayna waa dadkii Xukuumaddan ugu raadka badnaa, sida aan anigu aamisanahay, wax badana runtii wey soo qabteen, waxa aanu jeclayn in iyaga oo wada jooga khilaafkooda ay dhamaystaan oo aanay shacabka soo gaadhsiin, waayo dadku waa qabaa’il, waa kala deegaano, waxa qof walba waxa uu leeyahay taageero, taasina waxa ay keenaysa dhib dadkii soo gaadha, balse haddii ay is yidhaahdeen meeshan waxba kuma sixi kartaan aniguna waxa aan is leeyahay sida dadka qaarkood ay ku shaqaynayaan oo taladda maanta dalka haya oo aanan garanayn qandaraasyada shaydaanada halka ay kaga jiraan, maaha arin lagu sixi karo arimaha qaarkood, laakiin ILLAAHAY waxa aan ka baryayaa inuu dalka iyo dadkaba badbaadiyo”

Sheekh Aadan Siiro ayaa mar uu Bulshada la hadlaayey waxa uu yidhi “Dadka waxa aan leeyahay asalku waa nabadgaliyada iyo qaranimada, qarana ma jirayo haddii nabadgaliyo la waayo, nabadgaliyana ma jirayso haddii qaranimo la waayo, waayo beelo ma noqon karno, beel walba haddii ay arinkeeda goosato dhib badan ayey inagu keenaysaa , tacab badan ayaa soo galay, Raggi halkan soo gadhsiiyey ee ugu toosnida badnaa ee ugu wanaagsanaa ee maanta Hooyooyinkooda iyo Caruurtoodii bakhtiyayaan, wey wada dhinteen,Asxaabta ayaa markii Uxud la jabiyey is weydiiyey, isaga oo Rasuulkii SCW taagan yahay oo Raggii wanaagsanaa ay wada taagan yihiin side ayeynu u jabnay, ILLAAHAY baa la hadlay oo yidhi ”ILLAAHAY baa idiin dhabeeyey markii aad gaalada jabiseen markii hore markii aad sida wanaagsan u laynayseen, ilaa aad muranteen, oo aad is qabsateen, oo markii wixii aad jeclaydeen aad hesheen, qof walba doono inuu dhinciisa goosto”, kuwii quraanku ku soo degaayey ayaa yidhi ujeedadiinu waxa aad u soo dagaalamaseen oo aad dagaalka u soo gasheen inaad adduun urursato dadkana dhakada aad kaga kaadido, qaarna akhiro ayey u socdeen.”

Ugu dambayn wuxuu Sheekh Aadan hadalkiisa ku soo gunaanaday, “Anigu  waxa aan ahay dadka Somaliland ku qanacsan inay dal jira noqoto, oo laakiin shareecada lagu hogaamiyo, cadaalad lagu hogaamiyo, sinaan lagu hogaamiyo dadku u siman yahay, anagu Somaliland dhinaca ka raran, Somaliland nini leeyahay, Somaliland kooxi leedahay, Somaliland Gobol leeyahay ma taageerayno, dalkan inay casaabadi qabsato oo sida ay doonto ka yeesho Afweyne ayaa laga diiday,waliba waxa aan si  guud halkan uga dirayaa Hantida umadda ha la ilaaliyo, khayraadkan inanka dhalan doonaa ilaa qiyamaha ayaa  leh, ama dhul ha noqoto, dawladdihi aynu la dagaalanay ayaa ka xishooday inay dalkan iibiyaan, waa in si aan dalka wax yeelayn ugu dhiidhinaa oo nabadgaliyadeena iyo qaranimadeena ilaalinaysa, shaydaan qandaraas haysta haddii aynu u adeegno oo dalkii u burburino dhibaatadeeda ayey leedahay, inaga dalka iyo qaranimada ilaalinaynaa haddana waa inaynu ka joojina in in hantida umadda ee caruurtani leedahay la iibiyo”

 

Source: Geeska