Sheekh Aadan-siira oo Dhaliilo u jeediyey Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisa

Hargeysa (SLpost)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan-Siiro), ayaa Maanta oo Ciiddii Carrafo dunida Islaamka la tukaday Hargeysa warbaahinta kula hadlay markii salaadda la tukaday ka dib, ayaa si adag u naqdiyey hoggaaminta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo uu tilmaamay inuu taladii dalka iyo dhaqaalihii waddankuba ku koobmay isaga, qoyskiisa iyo Wasiirka Maaliyadda Sacad Cali Shire.

Waxa uu Sheekh Aadan-Siiro sheegay inuu diiday Madaxweynuhu inuu cid la tashado iyo inuu dhaqaalihii dalka furfuro, taasina ay sababtay inay ummadda Somaliland kala shakado oo dadka Hargeysa wada deggani is-aammini waayo oo la kala xan-qarsado, taasna aanu dalku ku sii jiri karin ee loo baahan yahay in Madaxweynuhu dadkiisa la tashado, dalka iyo dadkana si masuuliyad leh u hoggaamiyo muddada uu xilka hayo.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Sh. Aadan-Siiro), waxa uu tilmaamay inaan la aqbali karin in saddex boqol oo Guri oo Dad leeyahay loo xukumo Madaxweynaha iyo Qoyskiisa.

 

https://youtu.be/HPuyCM581-0