Sheekh Aadan Siira oo Cid gaar ah ku calaamadiyey Masuuliyadda Sicir-bararka iyo Musuqmaasuq ka jira Dalka

Hargeysa (SLpost)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadam-Siira) oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka, gaar ahaan caasimadda Hargeysa, ayaa khudbaddiisii Jimcaha ee Maanta oo uu ka jeediyey Masjidka Quba, waxa uu kaga hadlay Sicir-bararka iyo Musuq-maasuq ka jira dalka, kuwaas oo ssaamayn ku yeeshay nolosha shacabka.

Sheekh Aadam-Siira waxa uu masuuliyadda iyo cidda ka dambaysa asbaabaha gundhigga u ah Sicir-bararka saameeyey nolosha Shacabka u nisbeeyey shakhsiyaad gaar ah oo uu ka magac-dhabay qoyska madaxtooyada.

Haddaba, muuqaalka Hoose ka daawo khudbadda Sheekha iyo mucda ay xambaarsan tahay