Sheekh Aadam-Siira oo Arrimo Xaasaasi ah uga Digay Shacabka Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siira), ayaa bulshada Somaliland, gaar ahaan shacabka reer Hargeysa uga digay inay mar labaad codkooda siiyaan xildhibaannada Goleyaasha Deegaanka ee wax-qabadkooda lagu qasaaray, kuwaas oo qaarkood damacsan yihiin inay isa soo sharraxaan doorashada soo socota.

Sheekh Aadan-Siira waxa uu si gaar ah u duray oo in lagu khasaaray kalsoonidii shacabku ugu deeqeen ku tilmaamay Maayarka iyo maayar-ku-xigeenka Hargeysa oo uu sheegay inay damacsan yihiin mar labaad inay shacabka cod weydiistaan.

Sheekha ayaa Arrintan kaga hadlay shir jaraa’id uu ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa Jimcaha maanta, waxaananu hadalkiisa oo dhammaystiran idinku soo gudbinaynaa muuqaalka Hoose ee Daawasho wacan.