Shebekadaha Shirqoolka: (Is-maan-dhaafka Xisbiga Kulmiye)

Kulmiye“Doonnida shinkeed raran,

Dakhalkiyo shiraaca leh,

Badda dulundulcaysana,

Dirawalkeedu waa kuma,

Dadka fuushan ee lihi,

Ma cirkuu ka soo degay,

Kuwa laga dejinayaa,

Ma dar laga xigaa baa,

Sheekadu da’ weynaa,

Duluc iyo gun dheeraa,

Dacar iyo ladh kicisee,

Dhul ay damaqday badanaa,”

 

Awrka Dooh ma lagu yidhi, 7/2/1980kii, Deelleey, Cabdi Iidaan Faarax

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale- cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

3/4/2014ka, Hargeysa,

Bisinka iyo Yaasiinka……Tabaaragga iyo Tiirka Bir ah……Mocooyooyinkeen ayaa sidaa ku Alla baryi jiray. Sida Madaxweyne-ku-xigeenkeenna amran ee Seylici idin ku maaweelin maayo sheeko xumo: Islaan odeygeedii dibadda eryanayo iyo beel hayaantay oo aydii ka dabo-qaylinayso. Xaasha! Malab ayaan idin durduursiin iyo miid aan ka soo miiray murti gaaxatay oo beryahanba laabtayda miranaysay. Intaasi waa arar dadab-galkeedii. Hoos aan u soo dego.

Xisbiga Kulmiye, wuxu ahaa ama ilaa immikaba yahay: madal ballaadhan, kulan-weyne, Jabhad ama ‘Forum’ ay ku bahoobeen dad kala duwan oo afkaar kala geddisan qabay ama qababa. Sidaas ayuu doorashada ku galay kuna helay. Markii uu Madaxtooyada ku guulaystay xisbiga Kulmiye, la isma wada raacin. Hadba koox ama bah ayaa laga tegayay. Bah-weyntii Kulmiye inteedii badnayd waa laga yeeshay Xukuumaddiiba oo xeyn yar ayaa dhexda ku maratay. Laba arrimood ayaa muhiim ah: Labada marjac ama Tix-raac ee dhinacyada is-haya iyo xil-gudashada Golaha Xukuumadda.

Madaxtooyada iyo Wasiirrada la safani waxay aamminsan yihiin oo ay hoosta ku haystaan Xeer Lambar 14 oo ay Guddida diiwaan-gelintu diyaarisay. Madaxtooyada iyo wasiirradu waxay ku dheggan yihiin Bogga 16aad, Qodobka 25aad oo ka hadlaya: Tayaynta iyo Habaynta Xisbiyada Qaranka. Waa Qodobka loo cuskanayo xil-ka-qaadista Guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa. Waa Qodobka qoraya Guddida Fulinta, Golaha Dhexe iyo Hoggaanka Xisbigaba waxa lagu dooranayaa Shirweynaha. Ma aha beenta Qarniga oo keliya, mana aha runta Qarniga oo keliya bal se waxay tahay mustaxiilaatka Qarniga. Waa wax ka baxsan qawaaniinta iyo curfiga caalamiga ah in saddexdaa hay’adood meel keliya laga wada doorto. Waxay u kala sarreeyaan: Shirweyne oo doorta hoggaanka iyo Golaha Dhexe. Marka dambe ee Guddoomiyuha Xisbigu soo magacaabo Guddida Fulinta, ayaa Golaha Dhexena oggolaadaa. Caalamkan aynu ku nool nahay Guddi Fulineed Shirweyne ma soo magacaabo. Jahli siyaasadeed ayaa meesha yaallay iyo dad aan xishoonayn oo garashadeenna caayaya sidaana shaashadaha ku soo fadhiisanaya. Afku idin go’.

Guddoomiyaha iyo hoggaanka Xisbiguna waxay la soo taagan yihiin Dastuurka Xisbiga oo ah Xeerka ay tahay in lagu maamulo laguna agaasimo hawlaha Xisbiga. Dawgu waa kaas.

Labadaa Xeer ayaa la kala haystaa oo midba kiisa hoosta ku sitaa. Waxaana sax ah Xeerka Xisbiga oo xisbi waliba xaq ayuu u leeyahay in uu xeerkiisa samaysto. Shuruuddu waxa weeye in loo dhiibo Guddida Diiwaan-gelinta oo ay sidaa ku tixgeliso. Ma ay ahayn in ay Guddida Diiwaan-gelintu faro-geliso hawlaha iyo shuruucda Xisbiyada madaxa-bannaan ee Somaliland.

Bal muranka maanta taagan iyo maqnaanshaha Guddidii diiwaan-gelinta ka warrama! Halkee ayay ku sugan yihiin? Shirweynihii 3aad ee Kumiye ma bireysnaa oo xalaal ma ahaa? Guddida Diiwaan-gelintu sidee ayay u aragtaa? Murankan taagan qayb ayay ka tahay ee xaggee ayay Guddidaasi jirtaa? Mise dalka ka yar baxa ayaa lagu yidhi oo iyaguna iidahan Meey meelo ayay ka soo khudbadaynayaan ama qaadhaankii waddooyinka ka dooneen? Bal adba!

Golaha wasiirradu laba xil ayay sidaan. Xil waa ka mid walba ka saran wasaaraddiisa oo aan filayo in ay wasiirradu u badan yihiin, illeyn waan ka tirsanaan jiray e’. Hawshaa ay ka qabtaan wasaaradahooda marka ay kelida yihiin, waa ay ku kala duwan yihiin oo idinkuba shaashadaha waad ka garan karaysaan. Waa wasiirro awran ama shilis oo u madax-bannaan hantida ay wasaaraddooda ku wadayaan oo ka g dhow cidda talada gacanta ku haysa. Kama baxaan shaashadaha, waxaanay isu haystaan in ay xilkoodii ka soo baxeen. Qaarna waa dar aan fandhaal loo darin oo mehs aku mucuurtoomay oo ka baqaya haddii ay ka tagaanna in ay biilka waayi doonaan.

Xilka 2aad ee Golaha wasiirrada saarani, waa ka wadareed ee Golaha Wasiirrada marka ay xukuumadda yihiin, fadhiyaan, shirayaan ama ka talinayaan aayaha ummaddan ay tabaalaha iyo tawstaba u horseedeen. Xilkaa wadareed (collective responsibility) waa mid aanay gudan oo beylah ah.

Beri dhaweyd ayaa niman Walla-weyn ah oo ilaa kontameeyo ah dalka la keenay. Xukuumadda ayaa mas’uul ka ahayd. Pass-port kuma ay soo gelin. Khaddiifaddii guduudnayd ayaa loo dhigay. VIP-da ayaa la geeyay iyaga oo aan Xamarba VIP-da ka soo duulin. Dhowr iyo toban land-crusier ayaa hudheelladoodii loogu soo gelbiyay. Wasiirraa ka hor tegay. Madaarka oo dhan ayaa loo xidhay. Lama baadhin. Cashuur lagama qaadin. Ilaa Madaxweynaha ayay socdeen iyada oo ay wasiirrada qaarkood war-baahinta ka dafirayaan in ay arkeen. Shaashadaha ayaa laga daawaday. Dhowr wasiir ayaan weydiiyay. Waxay igu yidhaahdeen: “Golaha Wasiirradu kamaba shirin.” Xil-gudasho wadareed sidaas ayay ka yihiin. Halista intaa le’eg ayaynu daaqaynaa. Haddii ay hadlaanna, waa eri.

Wax badanba ma shiraan Golaha Wasiirradu. Waxay ka shiraanna wax sidaa u sii ridanba ma aha. Waxaan is-idhi mar dambe ayay Madaxweynaha iyo khusuusidu isu timaaddaa.

Haddii dal iyo dadba meel looga soo dhacayo, meeshaasi waa Wasiirradan dadkii iyo dalkiiba ku faro batay ee Riwaayaddii Cunaaye, Ilaahay ha u naxariisto e’, innagii inoo jilaya. Cunaaye. Waxaan u malaynayaa in Ismaaciil la odhan jiray. Nin dheeraa oo qurux u dhashay ayuu ahaa. Bidaar ayuu lahaa. Gadh-sucuudi si fiican loo qorayna wuu lahaa. Habeen ayuu dadkii lacagtii ka guray sidii wax Riwaayad la dhigayo. Ka dib isagii ayaa Masraxa dhowr jeer isa soo taagay isaga oo hadba dharka iska beddelayay. Waa sidaa aan sheekada ku maqlay. Ka dibna wuxu dadkii daawanayay ku lahaa: “haddana way kan.” Ma is-tidhaahdeen tii oo kale ayaa ina haysata oo aynu ka aammusan nahay.

Dhammaad