“Sharciga Ciddina Kama Sarayso, Saxaafadduna Waa Inay Anshaxa Ilaaliyaan” Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland  Prof.  Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa  ugu baaqay saxaafadda in ay ilaaliyaan anshaxa Suxufinimo iyo  xeerarka dalka u yaalla, waxa uu sheegay in go’aankii uu dhawaan ku sheegay inaan saxaafadda la iska xidh-xidhi Karin, aanay macnaheedu ahayn in qofkii khalad gala aan tallaabo laga qaadaynin.

Aadan Xaaji Cali ayaa sidan ka sheegay hadal uu shalay ka jeediyay  Tabobar uu u furay Koox garsooreyaal ah  oo loo tabobarayayo takhakhuska  qaadista dacwadaha xasaasiga ah, kuwaasi oo ka kala yimid gobollada dalka.

“Maalin dhawayd waxaynu  qaadanay in aanay ciddina   sharciga kama sarayso oo marka hore dacwad lagu furo Saxaafadda,  dabadeedna ay is-difaacaaan oo  wixii lagu helo markaa lagu xukumo. Laakiin aan la iska xidhin iyagoo aan dacwad laga furin. Arrintan macnaheedu maaha,   cidna lama dacwayno markaa waxa loo baahan yahay saxaafada laftigeedu in anshaxa iyo akhlaaqda iyo xeerarka ay ilaaliyaan.

Marka la leeyahay marka  hore yaan la xidhxidhin,  macnaheedu waxa weeye in fursad loo siiyo in ay is-difaacaan,  waxa  lagama maarmaan ah  in xeerarkooda dib u eegaan, akhlaaqda saxaafada ilaaliyaan oo ay samaystaan Guddidii iyaga looga dacwoonaya,”Ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland.

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Waxa uu ku booriyay Saxaafadda Somaliland inay  noqdaan xirfadleyaal koraya, waxaanu yidhi  “Duniddu wixii dagaalkii labaad ee adduunka  ka sokeeyay,   Saxaafadda hab gaar ah  ayaa lagula dhaqmaa.  markaa waxa loo baahan yahay saxaafadduna  inay korto,  xeerkoodana  dib u habeeyaan.”