Shaqo La’aanta Ka Jirta Waddanka Oo Dhalinyaro Badan Ku Dhiirri-galisay Inay Tahriibka Miciin-bidaan – Qalinkii: C/Fataah Sh.Nuux Jamac (Suldaanka)

cabdifataaxMaxay Dantu Ciishay Wiiloo

Dulqaad iyo Deeq lahayoo

Dadkuna nacas moodayaan

Abwaan Gadhle

Waxaa laga joogaa durtaba saddex sano iyo badh markii is badalka wayni uu ka dhacay maamulka xukuumada ee talada lagaga guulaystay madaxwaynihii hore ee uu talada kula wareegay madaxwaynaha hada ee jamhuuriyada Somaliland Mudane Siilaanyo, waxay ahayd wakhti ay in badan oo dadka ka mid ahi u jihaadeen sidii loo samayn lahaa is badal waara kaas oo si dhibyar u dhacay inta badana ay dadku is badalkaa kaga dhabeeyeen.

Hadaba iyadoo ay jirto taasi aan idinyara xasuusiyo mid ka mid ah halku dhigyadii ay xukuumadan talada haysaa hal hayska u lahayd ee ay ku qortay buugeegii cagaarka ahaa ee  balanqaadka “Waxaanu Wax Badan Ka Qaban Doonaa Camal La’aanta, Marka Aanu Talada Qabsano Way Yaraan Doontaa Dad Bilaa Camal Ka Cabanaya &Dhalinyar Tahriibaysaba,Waanu Balan Qaadaynaa Ee Codkiina Na Siiya hadaladaasi waxay ka mid ahaayeen odhaahda madaxdii kulmiye iyo buugoodii waxqabadkaba, hadaba talaw balanqaadkii ma waxa uu noqday hal bacaad lagu lisay oo dhicisoobay mise talaw markii ay balanqaadka samaynayeen  ayaanay dhagahooda iyo afkoodu is maqlayn ee iga dheh ayuunbay ahayd, aan idin yara xasuusiyo in dhibta camal la’aanta ee wadanka ka jirtaa ay gaadhsiisan tahay halkii ugu saraysay taas oo aynu dareemi karayno qofkastaana aanu indhihiisa ka qarsan Karin,iyadoo taasi ay jirto ayaanay xukuumadu wax siyaasad ah oo cad  aanay ka  lahayn camal la’aantan baahsan ee maalinba maalinta ka danbaysa isa soo taraysa taas oo dhici karta inay sababto in dhaliyarada  ubaha iyo labeenta ahi ay ka hayaamaan dalkooda hooyo, waayo shacabku ma awoodaan inay isugu darsanto camal la’aan haysata carurtoodi jaamacadaha ka baxday  & noloshii wadanka oo noqotay mid aad u adag oo aan ay lacagtii wadankuk bilaa qiimo noqotay sixirkii noloshuna sara u  kacay taasoo ay dad badani sida fiinta uga qaylinayaan balse aanay xukuumadu ilaa hada aanay dhag jalaq u siin

Hadaba bal akhriste ila eeg sheekadan waxaan fadhiyay mid ka mid ah maqaxiyaha la isugu yimaado waxaa I daba fadhiyay wiil dhalinyara oo qiyaasihii ah 24 jir, wuxuu ku fadhiyay kursi kaliya oo yaala meel cid la ah oo durugsan, wuu isla hadlayaa intaa wuu guuxayaa oo qofkasta oo garab fadhiyaa wuu dareemayaa laakin isagu isma oga, faraha ayuu intaa dhaq dhaqaajinayaa qofkasta oo arkaa wuxuu is odhanayaa waa qof ay waalidu ku cusubtahay, hadaba waxoogaa ka bacdi ayaan jaleecay mise mar ala iyo marka uu arkay inaanu ku maqanahay ayuu mar kaliya joojiyay farihii uu dhaqaajinayay iyo hadalkiiba, waxaan isku dayay inaan ka ag dhawaado oo aan bal isku dayo inaan waraysto waxaan ku idhi ma kula soo fadhisan karaa wuxuuna ii sheegay inay caadi tahay waan ku dhawaaday waxaanan na dhex martay sheekadan.

Aniga : Magacaa sxp?

Wiilkii : Magacaygu waa maxamed

Aniga :Maxaa kalidaa ku fadhiisiiyay meeshan cidlada ah?

Wiilkii :Noloshaan ka quustay oo quus darted ayaan mesha u fadhiyaa  kaliday

Aniga : Oo maxaa kugu kalifay inaad quus ka noqoto nolosha sawdigan inanka yar ee dhalinyarada ah ?

Wiilkii : walaalo waxaan la dhashay 10 caruura anaa ugu wayn, xaafadayadu waa danyar, aabahay wuu iska xanuusanayaa, hooyadayna waa qof iska da’a wayn oo iska jilicsan, waxaan feedh iyo laag ku waday noloshayda, waxaan ku fikiri jiray inaan malin maalmaha ka mid ah nolosha ay ku noolyihiin wax ka badali doono, waxaan dhigan jirtay iskuulka, waan dhamaystay waxaanan u gudbay jamacadaha dalka waxaanan soo dhamaystay jaamacada hargaisa,waxaan wax baranayay muddo 16 sanadood ah oo aan feedh iyo laag iskaga soo bixinayay lacagta oo maalinba aan qof soo baryayay si aan isaga bixiyo lacagta aan wax ku dhiganayo, iska daa bas hadalkiisa oo lugtayda ayaan maali jiray, nusasaacana ha soo hadal qaadinba, anoo noloshaa adag ku jiray ayay ii rumawday inaan dhamaysto jamacadaydii, waxaan niyada ku hayay inaan maalintaan jamacada dhamaysto aan gali doono nolol dhaanta tan aan  hada ku jiray oo aan goosan doono midhihii aan soo beerayay 16 sano oo bislaaday, balse taan hada galay ayaa igaga daran tii horeen ku jiray, 2 sano ayaa ka soo wareegay maalintaan jamacada dhamaystay,maalinkasta CV ayaan u  xaraysan jiray shaqooyinka ka soo baxa hadba meeshii aan is yidhaahdo waad u qalantaa, quus ayaan ka istaagay oo iska daa soo bixidoo (Short List ) xitaa kuma soo baxo waxaanan ka taaganahay quus, ka dib warwarkii ayaa ila galay inaan qaadka isku ilawsiiyo, ka dibna sigaarkii ayan ku daray, waxay igu qasabtay inaan nolosha iska mashquuliyo maalinoo dhan waa ii gidaar aan ku qayilo, habeenkiina waa ii taah iyo hiifitaan,nolosha gabigeediiba quus ayaan ka istaagay mar mar ayaan is idhaahda noloshaba ma is dhafisaa oo qudha ma iska jartaa, waayo bal qiyaas hooyada iyo aabahaa iyo caruurtiinii oo aan waxay ku qadeeyan haysan maxaan qabtaade adaan ku waydiiyee.

Aniga : Oo lacagtan aad ku qayilayso maxaad wax ugu qaban wayday reerkiina ?

Wiilkii : Isaga oo Ilmaynaya ayuu igu yidhi Walaalo aniga qaad hadaan iibsanayo ma ciil ayaan qabi lahaa, walalo qaadka wa la ii qaada uun, maalina aniga jeebkayga kamaan iibsan

Aniga :imika nolosha aad ku jirtaa waa mid sideeya ?

Wiilka: Isagoo Ilmada iska tiranaya oo dhabanadiisa ay habo’laynayso oo hadalku dirqi kaga soo baxayo ayuu yidhi  Anigu nolosha waan ka quustay.

Halkaa iyadoo maraysa ayaa ilmo igu soo istaagtay waanan sii wada kari waayay inaan wax badan sii waydiiyo waayo niyadiisa ayay ila noqotay inaan dhawro, hadaba akhriste iyadoo duruufaha intaa leegi ay jiraan oo aan maanta ka war hayno in xaafado badan oo Somaliland ka mid ahi ay saddexda wakhti maruun wax cunaan ama inta badan aan daba lagu shidin, ayay  maanta ugu biirtay  in ubadkoodiina uu hadh cad ka dul dhaqaaqo iyagoo u badheedhaya dhibta iyo rafaadka tahriibta niyadana u sii daynaya dhimasho iyo geeri midii ay la kulmaanba, duraafahaasi iyagoo jira ayaa malinkasta waxaa jaamacdaha iyo iskuulada sare ka soo baxaya kumanaan kun  dhalinyaraa oo mid kastaa hami iyo qami fiican uu leeyahay laakin ay caqabad wayn ku noqotay rajadoodii camal la’aanta baahsan ee saamaysay kumanaankii ka horeeyay, in badan oo dhalinyaro ayaad arkaysaa oo ku doodaya maxaan wax ka baran hebel iyo hebel oo jamacado ka soo baxayba waa kuwaas balwadaha xun bartay ee  gidaarada ku cunayee, taasina ay sabab u noqotay inay in badan oo dhalinyar ah ay ku keento niyad jab & rajo xumo iyadoo xitaa aan xukuumada iyo shacabka intooda badani aanay war u hayn, bal hadaba aan isku dayo inaan bal arimahan is barkan iyo camal laáantan baahsan fikikooda ka waydiiyo qaar  ka mid ah dhalinyarada jamacada dhigata  waa kan will  magaciisa iigu sheegay Mohamed wuxuuna yidhi

walaalo waa run camal la’aan baahsan ayaa wadanka ka jirta, intii wax soo baratay badankoodu maqaxiyaha ayay camiraan hadh iyo habeen, waa ayan daro waayo cid ka hadlaysa maan arag, anaguna waan ku soo daba jirtaa ee talaw maxaa rajo naloo hayaa, hayadihii wadanka joogay waxaa ka shaqeeya uun in gaara, hadaad shaqo yar is tidhaa xaree hayad kastaa waxay qaadanaysaa intii hayadaha  kale ka soo shaqaynayay waayo waxay ku odhanayaan qofku waa inuu ka soo shaqeeyay hayad hore taasina waxay niyad jab ku tahay dhalinyarada oo dhan ee xukuumadu wax ha ka qabatosidoo kale madaxwaynuhu wuxuu ku dhawaaqay guddida ka HORTAGA TAHRIIBTA IYO SHAQO ABUURKA, ilaa iyo hada lama garanayo meel ay jaan iyo cidhi dhigeen gudigaasi uu madaxwaynuhu magacaabay, hadaba dad badan oo faaleeya arimaha bulshada ayaa ku andacoonaya inay ahayd afka baarkiisa iyo ku dhawaaqid bilaa ficila, si kastaba ha ahaatee shaqo laáanta wadanka ka jirta ayaa maraysa halkii ugu saray abid ee uu wadan gaadho taasi oo inta badan dadka bilaa camal yihiin, xitaa aanay jirin shaqooyin laga shaqeeyo oo u qalma ardaydaa qalinjabisay ee waxbaratay,  sidoo kale Wasaaradii Qoyska iyo Arimaha bulshada  ayaa iyadu ka seexatay hawhsii loo igmaday taasoo haba yaraatee aanay jirin wax ay ka qabatay arimaha shaqo la’aanta iyo arimaha bulshadaba labadaba  iyadoo ay jiraan cabashooyinkaas aan soo sheegay  oo dhan ayaan hadana  odhan karaa  rajo badan iyo yididiilo ma qabaan dhalinyarada codkooda u soo hurtay sidii ay is badal u samayn lahaayeen taasi oo ay u dheertahay duruufo dhaqan iyo mid dhaqaleba, sidoo kale ayaa ayaan darada maanta wadanka ka taagani ay tahay in dhalinyaradii heerka jaamacadeed gaadhsiisnayd in aanay shaqo tagi Karin iyadoo oday ama qof la garanayaa uu shaqo geeyo mooyee taasi oo ayandaro kale oo dhibteeda leh keentay ah, tusaale ahaan nin dhan oo DEGREE, MASTER, ama PHD ah oo uu oday intuu gacanta qabtay shaqo gaynayo taasi waxay niyad jab wayn ku tahay intii wax baratay &qiimihii waxbarashada lafteeda, waxaanan leeyahay xukuumada iyo shacabka ha tashadaan, dhalinyaraduna ha tashato waxba yaanu qalinku ila taraarine waxaan jeclaan lahaa inaan qoraalkayga ku soo af- meero “Shaqo La’aanta Wadanka Ka Jirtaa Waxay Dhalinyaro badan Ka Dhigtay Sidii Wax Waalan” xukuumada uu madaweyne siilaanyo hogaaminayana waxaan ka codsan lahaa inuu talaabo dagdaga ka qaado sidii shaqo la’aanta wadanka ka jirta wax looga qaban lahaa haday wax ka qaban waydana ha u diyar garawdo gadood dhalinyaro iyo mid shacaba.

Qalinkii: C/fataah Sh.Nuuh Jaamac ( Suldaanka)

Email: Samriye99@hotmail.com

Mobile: 4474468

Youth Activist