Shaqaalaha Shan Wasaaradood oo maanta Imtixaan Qiimayn ah u Fadhiistay

Hargeysa (SLpost)- Shaqaalaha dawladda ee ka hawlgala shan ka mid ah wasaaradaha iyo Hay’adfaha Dawladda ayaa maanta uu u bilaabmay Imtixaankii qiimaynta shaqaalaha Dawladda ee caadiga ahaa kaasoo socon doona muddo sadex maalmood ah.

Wasaaradaha kala ah Xanaanada xoolaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, ganacsiga, Macdanta iyo Biyaha iyo Kommission-ka Xuquuqul insaanka ayaa shaqaalahoodii imtixaanaadku ku waajibay oo tiradoodu dhan tahay 293 qof ay maanta dufcadii ugu horaysay u fadhiisatay imtixaankaasi oo lagu qaadayo xarunta hay’ada shaqaalaha dawladda.

Gudoomiyaha Hay’ada shaqaalaha Dawladda Nuux Sh Muuse Ducaale oo imtixaanka ka hor shaqaalaha kula hadlay fadhi kooban oo loo qabtay ayaa sheegay in imtixaankan maanta la qaadayaa ka mid yahay imtixaanadii lagu qiimaynayey shaqaalaha Dawladda, natiijadiisuna tahay in lagu kala saaro heerka aqooneed ee shaqaalaha.

Md Nuux waxa uu tibaaxay in imtixaanka ay qaadi doonaan hawlwadeeno loo xulay oo loo dhaariyey shaqada ay qabanayaan, loona qaadi doono si cadaalad ah, waxuuna gudoomiyahu u rajeeyey shaqaalaha inay imtixaanaadka ku guulaystaan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net