Hargeysa (SLpost)- Hay’adda Shaqaalaha Dowladda ee Somaliland, ayaa wareegto Salaasada maanta ay soo saartay, laguna socodsiiyey Agaasimeyaasha Guud ee laamaha kala duwan ee hay’adaha dowladda, waxa ay ku fartay in xaaladda xannuunka Covid-19 awgeed loo fasaxo shaqaalaha u nugul xannuunka iyo kuwa laga maarmi karo ee aan xilalka muhiimka ah u haynin qaranka.
Wareegtada oo sumaddeedu tahay CSC/XG/HSD/10.0340/2021, kuna saxeexan yahay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda, lagu war-geliyey madaxweynaha Somaliland, Wasiirrada iyo Guddoomiyayaasha Wasaaradaha lyo Hay’adaha Dawlada, Guddida Komishanka ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Guddida Heer Qaran ee Xakamaynta Safmareenka COVID-19, ayaa lagu amray in la fasaxo dhammaan shaqaalaha Dowladda ee u nugul xannuunka Covid-19 iyo kuwa la nool xannuunada kale.
Wareegtada oo ka kooban Afar Qodob oo lagu xoojinayo dedaallada ka-hortagga faafitaanka Xannuunka Covid-19, ayaa u qornayd sidan:-
“Sidaad La socotaan waxa immika Inagu soo laba kacleeyay safmarka Cudurka COVID-19 oo khatar nafeed ivo geeri koobsaday, iyadoo taas maanka lagu hayana ahmiyadda ay qaranka u leeyihiin shaqaalaha dawlada lyo In Ioo fekero xoojinta badqabkooda caafimaad.
Sababahaas awgeed, waxaan halkan idinku wargelinayaa
- In shaqaalaha u nugul Safmarka Covld-19 ee ay ku jiraan kuwa da’doodu wayn tahay,
kuwa xanuunada la nool iyo kuwo caafimaadkoodu aanu wanaagsanayn laga fasaxo
goobaha shaqada oo guryahooda ku dhex shaqeeyaan ilaa war danbe iyo talo aan ka
helayno Wasaaradda Caallmaadka. - In Shaqaalaha aan xil iyo masuuliyad muhiim ah hayn ee looga maarml karo shaqada iyo shaqaale hoosaadka iyagana laga maarmikaro aad ku wargelisaan inay guryahooda joogaan muddo laba bilood ah. Waxaana wasaarad iyo hay’ad kastaa eegaysaa baahideeda shaqo hadba Inta ay shaqaale fasaxayso.
- In shaqaalaha guud ahaan lagu amro Inay soo xidhaan daboolka wejiga (Face Mask) Lana soo celiyo faraxalkii iyo dhammaan talaabooyinka ka hortagga si Ioo xoojiyo badqabka Iyo xaqiijinta caafimaadka shaqaalaha iyo guud ahaan dadka loo adeegayo si Iooga qayb qaato yaraynta faafinta safmarka COVID-19.
- In wixii agab yo qalab caafimaad ah Ioo fududeeyo Lana siiyo ahmiyad gaar ah in loo soo iibiyo si joogto Iooga isticmaalo goobaha shaqada.
Waxaan rajaynaynaa lnaad hawshaas xil wayn iska saartaan, iyadoo aanu Idinku amaanayno Sidaad horeba xil wayn isaga saarteen oo run ahaan wax wayn ka taray hoos u dhigidda faafista safmarka COVID- 19.
Allah ha Inaga badbaadiyo dhamaanteen safmarka Coronavirus.
AlIaa Mahad Leh
Farxaan Aadan Haybe
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda