Shan sanno Kadib Madaxweyne Siilaanyo Oo Dib u Dhisanaya Gurigiisii Hore

Hargeysa(SLpost)- Gurigii uu ku lahaa madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo magaaladda Hargeysa ayaa haatan lagu bilaabay burburin si dib looga dhiso halkaas guri casri ah.

Madaxeyne Siilaanyo ayaa guri ku yaala xaafada State House-ka degenaan jiray wakhtigii dheeraa ee uu mucaaradka ahaa iyo ka hor intii uu ka tirsanaan jiray xukuumadihii hore, waxaana haatan gurigaas meesha ka banaynaayay cagaf iyo shaqaale xoog maal ah.

Madaxeyne Siilaanyo ayaa shantii sano ee uu xilka hayay waxa gurigiisaasi ahaa mid dayac xoogani uu ka muuqday, waxaana degaanan jiray siyaasiyiin ay qaraabo yihiin, waxase haatan madaxweynuhu uu u muuqdaa mid ku guryo noqonaaya gurigiisii hore oo haatan dib loogu cusboonaysiinaayo.

11997953_901098179937879_240424629_n 11949727_901098119937885_1506805726_n

Wakhtiga sawirkan idiin muuqda ay ka qaadaysay shabakada Somalilandpost waxa gudaha gaydhka guriga ku jirtay cagaf dhulka la sintay gurigii uu madaxweynuu degenaan jiray, waxaana haatan lagu bilaabayaa dhisme cusub.

Somalilandpost

Hargeysa Somaliland