“Shaki kuma jirro in xukuumaddani taariikhda ku gali doonto xagga xoriyatul-qawlka tii ugu cadaw-sanayd ee dalkan soo marta” Yuusuf Cabdi Gaboobe

Hargeysa (SOLPOST) Markasta oon arko muuqaalkan quruxda badan oo kale ee aynu hadda ku fadhino waxaan xasuustaa galabtii u danbaysay ee aynu halkaa buurta kala jeexan ka soo galnay, January 31-keedii 1991-kii sawirkii ay magaaladdani lahayd iyo waddankoo dhamiba sidii uu u ekaa.

yuusuf

Galabtaas Hargeysa Kun qof may joogin, burburka iyo halaagga meesha ka dhacayna wuxuu ahaa mid aan qof binu-aadam ahi malaynkarin.

Mujaahid la odhan jiray Cabdi ayaa wuxuu i waydiiyey su’aal ahayd ‘Yuusufoow adigaa dibadaha kolay ka war hayeye tannoo kale wali ma ka dhacday?.

 

 

Waxaan ku idhi intaan ogahay maya laakiin wax badan oo ku dhawdhaw ayaa dunida soo maray lamma aragse meel ilaa garaa’idka sabbadda lagala baxo. hase yeeshee mujaahidkaas iyo aniguba iyo xaqiiqo ahaan dhamaanteenba inagamay qasnayn oo waxaynu ku faraxsanayn in waxkasta oo dhacay aynu ku liqnay guushii ina raacday iyo xornimadeenii aynu soo ceshenay, anigu maalintaas waxaan hoos iskugu lahaa Ilaahay guushii idin siiye waa inaad dalkan wax ka dhigtaan, wax cusub oo leh sawirkii aad u soo halganteen si uu u noqdo dal jiilasha soo kacayaa si fiican ugu noolaadaan.

Dib u dhiska dalkan waxaan anigu ka bilaabay inaan fuliyo figrad aan maskaxda ku hayey markii aynu qaaxo joognay oo ahayd mujaahidiinta soo halgamay iyo qosaska agoomoobay marka la guulaysto sida wax loogu qabanayo.

 

Waxaa figradaa hirgalinteeda ila fahmay oo igu taageeray mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo markaa noqday madaxwayne ku xigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland oo xor ah.

Sidaasay ku dhalatay Jimciyada Mujaahidiinta ee SOOYAAL oo ay uga mid noqotay hay’adihii ugu horeeyey ee dalka ka dhisma. Waxaanay markiiba isku hawshay sidii mujaahidiinta dib loogu soo dabaali lahaa nolashii rayidka ahayd. Hub ka dhigis, dib u jahayn, shaqo abuuris, aqoon kordhis iyo xirfad-barasho, arrimahaasi ayaan ka shaqaynayey 8-dii sano ee u horaysay.

1999-kii ayaan saxaafadda u soo gacan-baxay oon gurmad ahaan ugu tagay wargeyskii Jamhuuriya oo xiligaa ahaa jariirada kaliya ee madaxbanaan ee dalka ka soo baxda, ka dib markii uu geeriyooday halyeygii saxaafadda xorta ee Somaliland Allle ha u naxariistee marxuum Maxamuud Cabdi Shidde.

Waxaanu ku xigsiinay Haatuf oo aanu u aas-aasnay si wadanku u yeesho Wargeys madaxbanaan oo 2-aad. Maantana waxa Somaliland ka jira in ka badan 10 wargeys oo maalinle ah iyo lix todobaadle ah oo afar ka mid ahi ay luuqada Ingiriisiga ku soo baxaan. waxaynu sidoo kale leenahay saddexTelefishan oo gaar loo leeyey iyo tobanaan Website-yo ah.

 

Dabcan waxa inaga dhiman Idaacadihii oo aanay jirin sabab alaale sabab ay xukuumad Somaliland ahi inoogu diido ama inaga doonto inaynu furista idaacada madaxbanaan fasax uga qaadano.

Maanta oo 23 sanadood ay ka soo wareegeen galabtaa aan ka sheekaynayo ayaa waxaynu arkaynaa

Xornimadeeniii oo ay ku soo duushay xukuumadii dalkan ka talinaysay.

Maaha Hubaal, Haatuf iyo Somaliland Times kaliya waxa xidhani, ee waa xoriyatul-qawlkii ay shacbiga reer Somaliland oo dhami xaqqa u lahaayeen oo quful afka lagaga jabayey oo kale ayey arrintani ka dhagan tahay ama xaqiiqo ahaanba noqonaysaa.

 

Shaki kuma jirro in xukuumaddani taariikhda ku gali doonto xagga xoriyatul-qawlka tii ugu cadaw-sanayd ee dalkan soo marta inay tahay. ninka magac-xumadda ugu wayni ka raacaysaana waa Axmed Siilaanyo oon la odhan karin isagu kuma jiro ama waxba kama ogga xasuuqan ay Ad-naabtiisu ku fulinayaan xoriyadii saxaafadda iyo hay’adihii warbaahinta ee madaxabanaanaa. waxa nalagu haystaa maxaad dadka u tusteen musuq-maasuq jira oo aanu wax ka qornay markii aanu u kuur galnay ee aanu ogaanay inuu wasiirka macdanta iyo tamarta dhex-fadhiyo oo markii danbena baadhitaankii nala galey wiilkan yar ee Baashe Cawil iyo awoodahan qayrul-sharciga ah ee uu ku yeeshay madaxtooyadii wadanka looga talinayey.

 

Sidii Sakaaradii la yidhi saallo-muuqatay aas-aastaa ayey is yidhaahdeen musuq-maasuqii ku tagri-falkii awoodda dawladeed ee la wada arkaayey qarriya, kolkaasay Haatuf albaabada u laabeen oo ay xaruntii guud askar ku wareejiyeen ilaa imikana ay haystaan, kolkaasay mad-bacadihiina u hanjabeen oo ay ku amreen inaanay daabicin wargeyska, kolkaasay haddana amar kale maxkamadda ka soo goosteen oo ay xayiraad ku soo rogeen Website-yadii Haatuf iyo Somaliland Times.

Waxaas oo dhan kumay joogine waxay xayiraad safar dhigeen madaarada dalka sidii oon ahay nin baxsanaya. bal sal ba-bakha iyo baqaha intaas leeggi muxuu yahay?. Madaxwaynihii amar ku bixin lahaa in musuqmaasuqaa la baadho ayaa isagii difaac u noqday oo aaminsan in Waji-xun laga gar-daran yahay waana markii 2-aad ee uu madaxwaynuhu wasiirkaasi la saftay ee uu ka difaaco fadeexado musuq-maasuq iyadoo tii ugu horaysay ahayd markii uu mucaawino ay hay’ad samo-fal ahi bixisay uu dhigtay xisaab gaar ah oo uu ka furtay baan ku yaala dalka Djibouti.

Dhibaatadda iyo hagar-daamooyinka ay warbaahinta ku hayaan ka sakow waxay maa-laayacni ka dhigeen garsoorkii oo sidii tigidhada garoomadda lagaga daawado ciyaaraha ayey kolba maxkamada warqad amar ah oo waxay doonayaan ku fushadaan ay ka soo goosanayaan.

 

Cidda sidaas u Cabban ee dayrta noocaasi ah lihi awalba istaahil may ahayn inay ka soo ag wareegto xukunka dalka, mana noqonayso warbaahinta madaxbanaani mid dadka war uga dhigta in madaxwayne dabaashay horumar u keenayo ee waxay noqondoontaa mid dadka uga wakiil ah inay dawladda indhaha ku hayso oo si xor ah oo xalaal ah ugu soo waranto.

Xoriyatul-qawlka gaar ahaan xoriyada saxaafadu maaha wax hadiyad loo bixiyey ee waa xaquuq ay dadku soo dhacsadeen oo aan cidina ka qaadi Karin.

 

 

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland