“Shacabkeygu wuu i aaminsan yahay, aniguna waan aaminsanahay waxa shacabkeygu uu aaminsan yahay” – Buur-madow

“Si fiican oo wanaagsan oo aad arki doontaan baa la iisoo dhaweyn doonaa, oo aan uga dagi doonaa, wax cafis ahna ma qaadanayo, sabab aan u qaatana ma jirto” – Boqor Buurmadow 

Muqdisho (SLpost)- Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Maxamed (Buurmadow) oo waxa uu ka mid yahay madax dhaqameedka Somaliland, ayaa 14 kii November ee sanadkaan tagay magaalada Muqdisho.

Wareysi uu siiyay BBC Somali, waxa uu ku sheegay inuu u Muqdisho u tagay heshiisiinta siyaasiyiinta magaca Somaliland xilalka kaga doontay Soomaaliya.

Intii uu joogay Muqdisho waxa uu ka qayb galay xaflad-beeleedyo dhawr ah oo uu ka jeediyay khudbado uu uga hadlay wada dhalashada iyo Soomaalinimada.

Boqor Buurmadoow waxa uu dhawr jeer ka hor yimid talaabooyin ay qaaday Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana ka mid ahaa go’aankii Somaliland ku soo musaafurisay qoysas ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo degganaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Buurmadow oo ka hadlayay munaasabad uu ku raali-galinayay dadkaas, oo ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa sheegay in uu lacag dhan boqol kun oo Doolar oo raali galin ah ku wareejiyay dadkii la soo barakiciyay.

“Dadkii walaalahayaga ahaa ee dhibaatadu ku dhacday ee gobolada Somaliland daganaa, ee naga midka ahaa ee sida aan habooneyn loo soo tarxiilay, in aan ka daba nimaano oo raali galino, oo aan ogaano sida xaaldadoodu tahay ayaan u nimid.

Dad badan ayaa su’aalo iska weydiinaya in Boqor Buurmadoow oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland uu yimaado magaalada Muqdisho, isaga oo ka shaqeynaya arimo siyaasadeed. Dib ugu noqoshadiiisa Hargeysa ayaa ka mid ah waxyaabaha sida wayn la isku weydiinayo.

Mar BBC-du wax ka weydiisay in ay u qorsheysan tahay in uu dib ugu noqdo Hargeysa, waxa uu yidhi, “Wax danbi ah ma aanan galin. Wax siyaasad ahna kama qayb qaadan. Si fiican oo wanaagsan oo aad arki doontaan baa la iisoo dhaweyn doonaa, oo aan uga dagi doonaa, wax cafis ahna ma qaadanayo, sabab aan u qaatana ma jirto”.

Isagoo ka hadlayay gooni isu taaga Somaliland ayaa waxa uu yiri, “Madax-dhaqameedku haddaan nahay ma goyno mowqifka siyaasiga ah. Siyaasiin ayaanu leenahay. Shacabka ayaanu racanaa anaga. Shacabkeygu wuu i aaminsan yahay, aniguna waan aaminsanahay waxa shacabkeygu uu aaminsan yahay.”

Xukuumadda Somaliland ayaa hore tiraba laba jeer xabsiga u taxaabtay Boqor Buurmadow

Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa sanadkii 2018 ku xukuntay shan sano oo xabsi ah, balse markii dambe racfaan uu ka qaatay xukunka waxaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah. Muddo laba bil ah oo uu xidhnaa kadib, waxaa lagu soo daayay cafis madaxweyne.

Sababta loo xidhay Buurmadoow ayaa ahayd kaddib markii uu degmada Carmo ee gobolka Nugaal oo uu kaga qayb galay munaasabad lagu celeema saarayay Beeldaajaha deegaankaas uu ka sheegay arrimo ku saabsan Ciidanka Qaranka Somaliland.

Sidoo kale sannadkii 2012 ayaa ciidamada booliska ee Somaliland waxay Buurmadow ka qabteen gegida diyaaradaha ee magaalada Hergeysa, isaga oo ka yimid Imaaraadka Carabta.