Shacabka UK oo u codeeyey inay Ka Baxaan Midowga Yurub iyo Natiijooyinkii u dambeeyey ee codeynta + Saamaynta ka dhalatay

London (SLpost)- Shacabka waddanka UK, ayaa u codeeyey inay isaga baxaan Midowga Yurub oo dalkaasi ka mid ahaa muddo 43 sanno.

Sida ay tilmaamaysaan natiijada codbixinta oo shacabka dalkaasi shalay dhiibteen oo ilaa xalay la tirinayey, waxa ilaa hadda horreeya tirada dadka u codeeyey in dalkaasi ka go’o Midowga Yurub intii badan.

uk VOTEMagaalada London iyo gobolka Scotland ayaa si xooggan ugu codeeyey inay ka sii mid ahaadaan Midowga Yurub, balse waxa codadka dadka doonaya Midowga Yurub waxa hoos u dhigay natiijooyin aan buurnayn oo ka soo baxay Woqooyiga gobolka England oo ka gaabiyey intii laga rabay.

In kasta oo natiijada codbixintu tilmaamayso in dalkaasi ka go’ay EU-da, arrimaha ugu saamaynta badan ee wakhtigooda ka soo deg-degay waxa ka mid ah in lacagta dalkaas laga isticmaalo ee Pound-ku gaadhay heerkii ugu hooseeyey abid ilaa sannadkii 1985 marka loo eego Isku beddelka lacagta Dollarka.

Idaacadda BBC-da oo si toos ah u tebinaysa natiijada codbixinta, ayaa saadaalisay in UK ka baxayso Midowga Yurub intiisa kale..

Inkasta oo tirada codadka la tiriyey ay Isku dhow yihiin isla markaana kala horreeyaan Hal Milyan iyo dheeraad, haddana sida waajibku yahay, tirada codadka Ka Bixitaanka Midowga Yurub ayaa laga doonayaa inay dheeraadaan kuwa ka soo horjeeda codad gaadhaya 1,196,678 (Hal Milyan Boqol Lix iyo Sagaashan Kun, lix boqol todobaatan iyo siddeed).

HALKAN GUJI SI AAD ULA SOCO NATIIJADA

Waxa hadda la soo gabo-gabeeyey tirinta codadka la dhiibtay. Waxa ogolaaday in dalka UK ka baxo midowga Yurub 17,410,742 (todoba iyo toban malyan, afar boqol iyo toban kun, todoba boqol afartan iyo laba) oo u dhiganta Boqolkiiba 51.9 halka cadadka dadka doonayey inay ku sii jiraan Midowga Yurub noqdeen 16,141,241 oo u dhiganta 48.1 Boqolkiiba.