Shacabka Somaliland Miyey Iloobeen Taakuladii Ciidamada Difaaca Qaranka – By Mawliid Aadan Cumar

Shacabka Somaliland iyo guud ahaanba qaybaha Bulshada ee kala ah, Ganacsatada, Beeralayda, Ururrada wadaniga ah, Ururrada Qurbo-joogta iyo dhamaanba Muwaadiniinta Somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay ogsoonaadaan in Ciidamada Difaaca Qaranka Somaliland ay markastaba heegan u yihiin difaaca Qaranimada Dalkeena, sidaas oo ay tahay ayaa hadana waxa jirta oo ay tahay in aynu ogsoonaano in Difaaca Qaranku yahay waajibaad Dastuuri ah oo Saaran muwaadin kasta oo Dalka Somaliland u dhashay, sidaasi awgeed qofkasta oo muwaadin ah waxa ku waajib ah Difaaca Qarankani marka loo baahdo, balse waxa laga yaabaa in aanay Dadbadani sidaas u fahamsanayn waajibkaas sharciga ah.

Hadaba ujeedada qormadani waa shacabka Somaliland iyo qaybaha kala duwan ee Bulshadu miyey iloobeen Taakulayntii ay u fidin jireen Ciidamadooda Difaaca Qaranka oo ah Halyey’yada Naftooda u hibeeyey oo aynu wada ogsoonahay dhirbaaxada ay ku dhuftaan Cadowgeenu markasta oo uu hungureeyo burburinta nabadgelyada iyo midnimada Somaliland.

Sidaas daraadeed waxaan u soo jeedinayaa guud ahaanba qaybaha Bulshada Somaliland labadan qodob oo dhiirigelin iyo taageeroba u ah Ciidamada Difaaca Qaranka, labadaas qodob oo ah;

1.       Guud ahaan qaybaha Bulshada Somaliland waxaan leeyahay waa in guud ahaanba Ciidamada Qaybahooda kala Duwan (Ciidanka Qaranka, Booliska, Asluubta iyo Ilaalada Xeebaha) dhamaantoodba loo arkaa Naftood hurayaal heegan ugu jira Difaaca Qaranimadeena iyo ilaalinta nabadgelyadeena laguna taakuleeyo Agabyada Ciidanka sida Dirayska, Kabaha iyo Xoolaha Mood iyo Noolba.

2.       Waxa jira dagaal siyaasadeysan iyo mid toos ah oo ay wadaan Cadowga Somaliland oo doonaya in ay Burburiyaan Qaranimada iyo Nabada Somaliland, dagaalkaasina isma taagi doono ilaa iyo inta aynu ka hantiyayno aqoonsiga Qaranimadeena, hadaba waxa shacbi iyo xukuumadba inagu waajib ah in aynu dhisno Ciidamadeena daryeelna u fidino geesiyada Difaaca Qaranka u shahiiday, inta u naafowday iyo intooda dhaawaca u jiifta Cusbitaalada, waxaan kusoo gebaba bebaynayaa Maqaalkayga haloo kaco sidii Taakulo loo gaadhsiin lahaa Ciidamadeena Geesiyaasha ah Hadii Alleh yidhaah wabilaahi Towfiiq.

Mowliid Aadan Cumar

Hargeysa Somaliland