Shacabka Reer Laascaanood oo Isu Soo Baxyo Ciiddu Dhaqaaqday Kaga Qaybgalay Maalinta Shanaad ee Ololaha Xisbiga KULMIYE

Laascaanood (SLpost)-Shacabweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa isu soo baxyo aan loo kala hadhin kaga qaybgalay maalinta shanaad ee oloha xisbiga KULMIYE oo maanta ku beegan.

FB_IMG_1509704288654Munaasibadda isu soo baxyada shacabka reer Laascaanood oo ay kala qaybgaleen xubno miisaanleh oo ay kamid yihiin guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Baashe Maxamed Faarax,, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ku-xigeenkiisa saddexaad Md. Xuseen Aadan Caddi, wasiirro, xildhibaanno, hoggaanka xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan gobolka Sool, haween, dhallinyaro, waayeel, madax-dhaqameed iyo xubno kale, waxana halkaas laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqay taageerayaasha xisbiga, isla markaana lagu guubaabiyey inay codkooda la garab galaan maalinta codaynta.

Badhasaabka iyo maayarka gobolka Sool, ayaa ugu horrayn shacabka reer Laascaanood ku boorriyey inay sii libinlaabaan taageeradooda KULMIYE, iyaga oo ku dheeraaday horumarka ay xukuumadda xisbiga KULMIYE ka hirgelisay gobolka iyo guud ahaan dalka Somaliland.

Wasiirrada wasaarada Arrimaha Gudaha Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Caafimaadka Md. Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye oo halkaas ka hadlay, ayaa shacaka ga mahadnaqay taageerada laxaadka leh ee ay u muujiyeen, iyaga oo xisbigana ku ammaanay sida uu ugu hagar baxay gobolka Sool.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna si mug iyo miisaanleh shacabka reer Sool ugaga mahadnaqay taageerada ay xisbiga u muujiyeen, waxana uu sheegay inay Sool safka hore kaga jirto deegaannada ku jira qorshe-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE ee shanta sano ee soo socota.