Shacabka iyo Ganacsatada LAASQORAY oo mudaharaad Cuno-qabatayn ah kala hor tagay Wefti Puntland ah oo magaaladaas Gaadhay

Laasqoray (SLpost)- Shacabka ku dhaqan magaalada Laasqoray ee Bariga gobolka Sanaag, ayaa mudaharaad cuna-qabatayn ah ku sameeyey Wasiirro iyo saraakiil ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya iyo ciidamo ay wataan oo shalay gelinkii dambe gaadhay magaaladaas, kuwaas oo ka tagay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

IMG_2441Ganacsatada meheradaha ku leh magaalada Laasqoray iyo shacabka kale ee degmadaas ku dhaqan, ayaa u diiday inay Raashinka iyo biyaha ka iibiyaan Wasiir-dawlaha wasaaradda Dekedaha, Badhasaabka gobolka Sanaag, taliyaha Qaybta Booliska ugu magacaaban gobolka Sanaag iyo Ciidamo ku hubaysan dhowr iyo toban gaadiid tikniko ah oo shalay gaadhay magaalada Laasqoray ka dib markii  madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo booqasho uu shalay ku tagay magaaladaas uu kaga laabtay.

Wasiirka Dekedaha, Badhasaabka, Taliyaha Qaybta Booliska iyo Ciidamada ay wateen, ayaa shalay khasaare la kulmay, ka dib markii ay qallibmeen laba gaadhi oo ka mid ah 12 baabuurta tiknikada ah oo ay shalay ku galeen magaalada Laasqoray, waxaana halkaas kaga dhaawacmay qaar ka mid ah askartii saarnayd gaadhigaas, in kasta oo aanay jirin cid ku geeriyootay shilkaas.

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaaladaas oo khadka telefonka ugu warramay wariye ka tirsan shabakadda Somalilandpost.net, ayaa sheegay inay masuuliyiinta iyo ciidamada ay wateen ay ka baxeen magaaladaas ka dib culays kaga yimi dhinaca shacabka, isla markaana ay dib ugu laabteen meeshii ay ka yimaaddeen oo ahayd magaalada Boosaaso.

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo warbaahinta la hadlay shalay, ayaa socdaalka madaxweyne Siilaanyo ee gobolka Sanaag ku tilmaamay daan-daansi siyaasadeed oo sida uu ku dooday lagu soo xad-gudbay deegaamo ay maamul ahaan ka taliyaan.

Dhinaca kale, waxa maanta magaalada Badhan ee xarunta gobolka Badhan lagu qabtay kulan lagu taageerayo socdaalka madaxweynuhu ku marayo gobollada dalka, waxaana munaasibaddaas lagu soo dhaweeyey safar madaxweyne Siilaanyo ku tago xarunta gobolka Badhan.

Madax-dhaqameed, Wax-garad iyo Aqoonyahanka magaalada Badhan, ayaa shir-jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Badhan ku shaaciyey inay taageersan yihiin socdaalka madaxweynuhu ku gaadhay gobolka Sanaag, waxaanay gaashaanka ku daruureen sheegashada maamul-goboleedka Puntland ku sheegtay inay ka taliyaan deegaamadooda.

SOMALILANDPOST.NET