Shacabka Hargeysa oo Mar kale soo Bandhigay Cuddudooda Taageerada KULMIYE Maalintii Afraad ee Ololihiisa

Hargeysa (SLpost)- Shacabka ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa mar kale soo bandhigay cuddudooda taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE oo maanta taageerayaashiisu isu soo baxyo miisaan leh ka sameeyeen guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka maalintii afraad ee ololaha xisbiga.
Kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee degmooyinka magaalada Hargeysa oo isu soo baxa maalinta afraad ee xisbiga isugu yimi fagaaraha beerta Xorriyadda, ayaa si laxaadleh u muujiyey miisaanka iyo cudduda aan la loodin karin ee xisbul-xaakimku ku haysto Gobolka Maroodi-jeex, waxaanna dabbaaldegga ismuujinta kala qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna murashaxa isla jagadaas mar labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirro ka tirsan xukuumadda, masuuliyiin iyo saraakiil ka mid ah xisbiga, guddiga ololaha xisbiga ee Gobolka Maroodi-jeex iyo madax kale oo badan.
Guddoomiyaha Guddiga Ololaha Gobolka Maroodijeex ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Kijaandhe, Guddoomyaha xisbiga ee Gobolka Maroodi-jeex Md. Maxamed Iid Dhimbiil, Maayar-ku-xigeenka caasimadda Hargeysa Md. Cabdicasiis Maxamed Cagowayne oo khudbado ka jeediyey fagaaraha beerta Xorriyadda, ayaa si wayn ugu mahadceliyey shacabka caasimadda Hargeysa ee isugu soo baxay muujinta taageerada xisbiga KULMIYE, waxaanay kula dardaarmeen inay halkaa ka sii wadaan muujinta taageerada Gobolka Maroodijeex iyo cidday la jirto.
Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Duulista Md. Farxaan Aadan Haybe, Qorshaynta Md. Maxamed Ibraahim (Qaybo-tire) iyo Xannaanada Xoolaha Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo weliba Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa iyaguna ku bogaadiyey dadweynaha reer Hargeysa sida hagar la’aanta ah ee ay u barbartaagan yihiin xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa uu hoggaamiye Madaxweynaha Qaranka Md. Axmed Siilaayo oo ay ka warrameen waxqabadka ballaadhan ee uu ka hirgeliyey dalka muddadii uu xilka hayey.
Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, ayaa isna tilmaamay isu-soo-baxa taageerayaasha KULMIYE ee Hargeysa ka sameeyaan Hargeysa uu markhaati u yahay heerka miisaanka iyo cududda uu xisbigu ku leeyahay Gobolka Maroodi-jeex.
Ugu dambayntii, Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna murashaxa isla jagadaas mar labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo khudbad ka jeediyey fagaaraha beerta Xorriyada Hargeysa, ayaa si faahfaahsan uga warramay waxyaabaha ummadda reer Somaliland ku dooranayso xisbiga KULMIYE mar labaad oo isugu jira waxqabadka ballaadhan ee uu fuliyey muddadii uu talada hayey, miisaanka iyo waayo-aragnimada murrashaxiintiisa u tartamaysa hoggaaminta waddanka iyo qorshaha cusub ee xisbigu doonayo inuu ku maamulo dalka.