“Shacab iyo Dowladba Waxa Innagu Waajib ah Qorshihii aynu Ku heli lahayn Koronto Jaban” – Wasiirka Maaliyadda JSL

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in shacab iyo dowladba dedaal lama-huraan ah loo galo helitaanka Koronto qiimaheedu jaban yahay.

Wasiirka Maaliyadda oo maanta hadal ka jeediyey munaasibad ay wasaaradda Ganacsiga Somaliland ku daah-furtay barnaamij cusub oo loo dejiyey qaabka bixinta Liisamada Ganacsiga oo casri ah, waxa uu sheegay in shacabka iyo dowladdaba waajib ka saaran yahay sidii dalka looga hirgelin lahaa Koronto Qiimaheedu jaban yahay.

Hadalka Wasiirka oo ka tarjumaya mowqifka Xukuumadda ee ku wajahan Qiimaha adeegga Korontada ee dalka oo ay bixiyaan shirkado gaar loo leeyahay isla markaana ay shacabku cabasho xooggan ka muujiyeen, ayaa ku soo beegmaya xilli uu kor u kacay qiimaha Halka Unit ee Korontada ah oo xilligan maraya $0.60.

Shirkadaha Bixiya adeegga Korontada, ayaa dhawaan qiimaha Halka Unit ee Korontada oo markii hore ahaa $0.50 ka dhigay $0.84 haseyeeshee waxa go’aankaas oo shacabku ka qayliyey joojiyey Komishanka Tamarta oo kulamo ay la yeesheen maamullada shirkadaha Korontada kaddib go’aamiyey in qiimaha Korontada lagu daro $0.10 iyadoo la tixgelinayo qiimo-bararka ku yimi Shidaalka Caalamka.

Shirkadaha Bixiya Adeegga Korontada oo ka biyo-diiday go’aanka xukuumaddu ku jaan-goysay qiimaha Korontada, ayaa ku hanjabay inay soo koobayaan wakhtiga isla markaana ay dhimayaan saacadaha 24-ka saacadood ah ee ay macaamiisha u adeegaan.

Guddi-hoosaadka Kheyraadka Dabiiciga ah, Deegaanka iyo Tamarta ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sharci-darro ku tilmaamay hadalka ka soo yeedhay shirkadaha bixiya adeegga Korontada oo ay ugu hanjabeen inay gole ahaan go’aan ka soo saarayaan.

Muuqaalka Hoose Ka Daawo Hadalka Wasiirka

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net